Isniin, June 23, 2014 (HOL) — Tababar ay ka faa’ideysteen dad laga soo xulay qeybaha bulshada, islamarkaana ay si wada jir ah u qabteen hay’addaha kala ah CRD iyo Machadka Doorashooyinka iyo Hanaqaadka Africa ee EIZA ayaa lagu qabtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Madaxa hay’adda CRD ee gobolka Hiiraan Xassan Cismaan Xuuriya ayaa sheegay in tababarkan oo noqonayo kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo lagu baqto magaalada Beledweyne lagu bartay mudadii uu socday maamulka iyo maareynta, si markaa loo dhiso wacyiga bulshada,'' ee maamulka iyo maareynta.
“Tababarkan waxaa iska kaashanayay hay’addaha EIZA iyo CRD, dadka loo soo xulay in ay ka qeyb-gallaan waxaa ay ka koobnaayeen qeybaha bulshada, haddii ay ahaan lahaayeen, odayaashii dhaqanka, ururada haweenka, dhalinyarrada, iyo saxaafadda oo dhamaantood saameyn ku leh bulshada, waxaana lagu baranayay casharo isku dhafan, oo dhamaantood salka ku haya maamulka iyo maareynta, si bulshadu u noqdo mid wacyigeedu sareeyo,''ayuu yiri’ ayuu yiri Xassan Cismaan Xooriye.
Muno Xassan Max’ed oo ka tirsan hay’adda EIZA oo tababarka soo qaban-qaabisay ayaa sheegtay in ujeedada laga lahaa tababarka aheyd fahamsiinta dadka ka qeyb-gallka doorashooyinka iyo muhiiimada ay leedahay, iyadoo la og-yahay in sanadka 2016-ka loo socdo in dalka doorasho laga qabto.
“Beledweyne waxaa ay nasiib u yeellatay in ay noqoto magaaladii ugu horeysay ee gobollada dalka oo lagu qabto tababarkan, Garoowe ayaa lagu qabanayaan, Baydhabo sidoo kale waa uu ka dhacayaan, gobollo kalana waa loo sii gudbi doonaa, laakiin wajigii ugu horeeyay hadda Beledweyne ayaa lagu qabtay,’’ ayeey HOL u sheegtay Muno Xassan Max’ed.
Ka qeyb-gallayaashii tababarka oo qaarkood aan la hadalnay ayaa inoo sheegay in ay wax badan ka faa’ideen mudadii labada cisho aheyd ee uu socday, iyaga oo intaa ku darray in wax wanaagsan tahay dhisida wacyiga bulshada.
Maamulka degmada Beledweyne ayaa dhinacooda soo dhaweeyay tababarkan oo ay sheegeen in uu ahaa mid siweyn loogu baahnaa, madaama la fillayo doorasho guud oo dalka qabsoonta, taasoo saameynta ugu badan ay yeellan doonaan bulshada.
Marka laga soo tago arrimaha doorashooyinka waxaa siddoo kale tababarkan ka faa’ideystay madaxada NGO,s-ka kuwaa oo ku bartay habka loo diyaariyo mashaarciida iyo sidda marka danbe loo fuliyo.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya






