4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 10, 2013
Wafdi ka Socda Dowladda Soomaaliya oo loo diiday inay Tagaan Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay


Talaado, September 10, 2013 (HOL) — Kaddib markii golaha malaaqyada Digil iyo Mirifle ay dhawaan amar ku bixiyeen in wafdi ka socda dowladda Soomaaliya aysan imaan karin magaalada Baydhabo, ayaa waxaa loo diiday in magaaladaas ay galaan wafdi ka socday wasaaradda horumarinta iyo adeegga bulshada.

Wafdigan ayaa waxaa la filayay inay kaga qayb galaan Baydhabo xiritaanka siminnaar la siinayay in ka badan 80-macallin oo ka mid ah kuwo ay dowalddu u tababaraysay inay wax ka dhigaan iskuullada ay dalka oo dhan ka furayso.

Khilaafka u dhexeeya dowaladda Soomaaliya iyo waxgaradka Baydhabo ayaa wuxuu ka dhashay kaddib markii dowladda Soomaaliya ay heshiis si rasmi ah ula saxiixatay maamulkii Sheekh Axmed Madoobe ee uu horay khilaafku uga dhexeeyay.

Magaalada ayaa waxaa ka dhacay banaanbaxyo loogu soo horjeedo shirkii Addis Ababa, kaasoo madaxda dowaladda Soomaaliya ay ku tilmaameen inay tahay mid lagu xallinayo khilaaf xooggan oo ka taagnaa maamulka gobollada Jubbooyinka.

Baydhabo oo ah xarunta gobolka Bay ayaa waxaa hadda maamula golaha ay ku mideysan yihiin malaaqyada Digil iyo Mirifle, kuwaasoo wadashaqeyn la leh maamukii waqtigiisa dhamaaday.

Golaha malaaqyada ayaa waxay magacaabeen guddi kasoo shaqeeya sidii loo qaban lahaa shirweynaha maamul u sameynta Koonfur-Gabeed ee Soomaaliya, iyadoo guddigu ay wadaan abaabul loogu gogol xaarayo shirweynaha oo lagu qaban doono xaruntii Baarlamaanka ee Baydhabo.

Dowladda Soomaaliya ayaan weli wax hadal ah kasoo saarin wafdiga ka socday wasaaradda horumarinta iyo adeegga bulshada ee Baydhabo laga celiyey.

Hiiraaan Online, Baydhabo