4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 10, 2013
Kal-fadhigii Saddexaad ee Baarlamanka Somalia oo Muqdisho ka furmay iyo Madaxweynaha oo Khudbad ka jeediyay (SAWIRRO)


Talaado, September 10, 2013 (HOL) — Kal-fadhigii saddexaad ee Baarlamaanka Somalia ayaa maanta ka furmay Muqdisho. Madaxweyne Xasan Sheek Maxamuud oo furitaanka kal-fadhiga baarlamaanka khudbad dheer ka jeediyey, ayaa ka hadlay waxqabadka xukuumaddiisa tan iyo markii isaga la doortay.

Furitaanka baarlamaanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoonka sare ee baarlamaanka iyo xildhibaannada, waxaana hadal kooban ka jeediyay halkaas Prof. Maxamed Cismaan Jawaari oo ah guddoomiyaha baarlamaanka, isagoo sheegay in labadii kal-fadhi ee hore ay wax badan u qabsoomeen baarlamaanka ayna rajeynayaan in howlaha kale ee haray ay ku qabtaan kulammada soo socda.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa fasax ku jiray muddo bil ah, iyadoo bishii kale ee fasaxooda ay galeen kulammo aan caadi ahayn oo ay ku ansixiyeen hindise-sharciyeedyo ay xukuumaddu  usoo gudbisay, kuwasaoo ay ku jireen sharciga la dagaalanka argagaxisada iyo kan dhismaha maamullada gobollada dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay ku guuleysatay waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin inay soo celiso xiriirkii caalamiga ah ee Soomaaliya ay dunida la lahayd, sidoo kale wuxuu sheegay in waxyaabo kale oo badan ay doonayaan inay qabtaan dhowrka sano ee soo socda.

"Waxyaabo badan ayay dowladdu ku guuleysatay tan iyo markii la dhisay, kuwaasoo ay ka mid yihiin wax ka qabashada ammaanka," ayuu madaxweynuhu ku sheegay khudbadda uu ka jeediyay furitaanka baarlaamaanka.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu xusay in dowladdiisu ay isbedello la taaban karo ku sameysay hay'adaha dalka qaarkood sida cadaaladda iyo maaliyadda, isagoo xusay inay ku rajo weyn yihiin in dhaqaalaha dalku uu soo laabto, cadaaladduna ay u noqoto mid uu qof walba oo Soomaaliyeed ku kalsoonaan karo.

“Barlamaanku wuxuu qabtay howlo fara badan oo ay ka mid yihiin ansixinta xukumadda, maaliyadda iyo dib u eegista dastuurka. Shacabkuna wuu ku faraxsan yahay shaqada aad haysaan,”  ayuu madaxweynaha Soomaaliya ku yiri hadalkii uu ka jeediyay baarlamaanka.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa sheegay in barlamaanka iyo guddiyadiisu ay ka warhayaan xukumadda lana xisaabtamaan. Isagoo tusaale u soo qaatay inay horay ra’iisul wasaaraha iyo wasiirro ay u yeereen si ay warbixinno uga dhageystaan.

“Hadafkeennu waa inaan dalka gaarsiinno doorasho xor ah oo qof walba codkiisa dhiibto haddii Alle idmo, waan gaarsiin doonnaa,” ayuu madaxweynuhu mar kale yiri, isagoo hadalkiisa ku daray. "Goor dhow waxaan billaaban doona mashaariic lagu dayactirayo waddooyinka iyo xarumaha bulshada."

Madaxweynuhu wuxuuu dhanka kale sheegay in isbeddel lagu sameeyay taliska ciidamada qalabka sida iyo xoogga dalka, booliiska iyo nabad-sugidda, kuwaasoo loo magacaabay xubno -sida uu sheegay- la oran karo waxbay ka qaban karaan xaaladaha ammaan ee dalku ku sugan yahay.

Inkastoo madaxweynuhu uu sheegay inay wax badan qabatay dowladda Soomaaliya halkii sano ee ay jirtay, ayaa haddana waxaa jira dhaliilo ay shacabku u jeedinayaan kuwaasoo ay ka mid yihiin in ammaanka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho uusan ahayn mid xilligan la isku halleyn karo.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya