4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 10, 2013
Qurba-joogta Soomaaliyeed oo billaabay in ay Dhiirri geliyaan Ciyaartoyda ku sugan Degmooyinka Gobolka Hiiraan (SAWIRRO)


Talaado, September 10, 2013 (HOL) — Inkastoo ay ku adkeyd in ay helaan tasiilaadkii iyo taageeradii ay  u baahnaayeen haddana waxaa la oran karaa guddiga isboortiga gobolka Hiiraan iyo naadiyada kala duwan ee ka dhisan gobolka, bilihii ugu danbeeyay waxaa ay sameeyeen hormar ballaaran kadib markii  tartamo is daba joog ah oo sare u qaadaya mooralka iyo niyadda cayaartooyda ay ku qabteen magaalada Beledweyne.

Haddaba qurba joogta ka soo jeeda gobolka Hiiraan oo si dhaw ula soctay dhaq-dhaqaaqyada isboorti ee ka jira gobolka iyo dadaalka ballaaran oo ay sameeynayaan guddiga isboortiga ayaa hadda bilaabay in ay dhiiri-galin u sameeyaan naadiyada iyo cayaartooyda oo qaarkood ay soo gaarsiiyeen agabkii ay ku cayaari lahaayeen.

Xassan Maxamed Ibraahim (Xassan Kaafi) oo kamid ah qurba joogta dib ugu laabtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa gaarsiiyay cayaartooyada kooxda Xaaw-Taako oo bilihii ugu danbeeyay wacdarro ka dhigay tartammadii kala duwanaa ee lagu qabtay magaalada Beledweyne, isaga oo sheegay in looga baahan yahay qurba joogta in ay ka qeyb qaataan dib u soo nooleynta isboortiga gobollka.

“Waan la socdaa taageeradan ma'aha mid kaafin karta baahiyaha kala duwan ee kooxda, laakiin ugu yaraan waxaan is leeyahay waa mid wax ka tari karta sare u qaadista mooralka iyo niyadda kooxda, waxaana ka rajeynayaa qurba joogta in ay ka qeyb qaataan soo nooleynta isboortiga gobolka,'' ayuu yiri Xassan Kaafi.

Kooxda la guddoonsiiyay agabka isboorti ayaa marar badan ku guuleystay tartammo kala duwan oo lagu qabtay magaalada Beledweyne, waxaana ka mid ah cayaartooy xirfad layaal ah oo haddii ay helaan tababaro iyo taageero joogta ah mustaqbal wanaagsan ku yeellan kara ciyaaraha.

Bilihii aynu soo dhaafnay magaalada Beledweyne waxaa si weyn ugu soo noqonayay qurba joog kasoo jeeda gobolka, kuwaasoo sheegay in ay ka fikirayaan sidii ay mashaariic kala duwan uga sameyn lahaayeen gobolka.




 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya