4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 10, 2013
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Sannad kaddib Dhaxashay Dhaliilo iyo Ammaan uga Imaanaya Shacabka Soomaaliyeed


Talaado, September 10, 2013 (HOL) — Iyadoo maanta ay ku beegan tahay hal sano kaddib markii la doortay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed waxay aragtiyo kala duwan ka bixiyeen waxqabadka dowladda halkii sano ee lasoo dhaafay.

Dadweyne badan ayaa qaba in dowladdu ay ku guuldarreysatay inay wax ka qabato arrimaha gudaha iyo ammaanka, balse horumarro badan ka gaartay dhinaca siyaasadda dibadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo tartankii ugu dambeeyay ay isku soo hareen isaga iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ahaa madaxweynihii dowladdii KMG ahayd ayaa kaga guuleystay codad gaaraya 190-cod, halka uu Sheekh Shariif ka helay 79-cod oo keliya.

Xasan Sheekh ayaa khudbad uu jeediyay wuxuu ku sheegay in dowladdu ay ku shaqeyn doonto lix tiir, kuwaasoo kaalinta koowaad, labaad iyo saddexaadd ay kaga jirto sugidda amniga.

Inkastoo madaxweynuhu uu sheegay hadalkan haddana Muqdisho waxaa ka dhacay halkii sano ee lasoo dhaafay weerarro isugu jira ismiidaamin iyo toos kuwasoo aan horay uga dhicin Muqdisho, waxaana ka mid ahaa weerarradii lagu qaaday xarunta maxkamadaha dalka, xarunta UNDP ee Muqdisho iyo weliba qunsuliyadda Turkiga uu Muqdisho ku leeyahay.

Xarumahan oo ahaa kuwo aan horay loo weerarin ayaa waxay cabsi weyn ku keeneen caalamka, inkastoo madaxda dowladdu ay sheegeen inay isbedel ka dhalin doonaan caasimadda Soomaaliya.

Waxaa intaas daba-socday dilal qorsheysan oo Al-shabaab ay la beegsatay shaqaalaha dowladda iyo ciidamada, waxaana sidoo kale ay waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ah oo fara badan.

Ammaanka dowladda Soomaaliya loosoo jeediyay ayaaa waxaa ka mid ah inay soo celisay xiriirradii u dhexeeyay Soomaaliya iyo calaamka intiisa kale, inay ku guuleysatay inay dib u soo celiso aqoonsigii caalamka ee Soomaaliya 20-sano kaddib iyo in dalal badan ay dib u furtaan safaaradihii ay ku lahaayeen Muqdisho.

Habeenno kala duwan ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay qaraxyo is-xigay oo loo adeegsaday bambooyin, kuwaasoo camimay caasimadda min bari illaa galbeed, min Koonfur illaa waqooyi, kuwaasoo mas’uuliyadooda ay sheegatay Al-shabaab.

Weerarrada xilligan ka dhacaya Muqdisho ma ahan kuwo horay looga bartay, waxayna imaanayaa xilli Al-shabaab laba sano ka hor laga saaray Muqdisho, sidoo kalena ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ku guuleysteen inay ka saaraan deegaanno kale oo dalka ka tirsan.

“Dowladdu horumar waa sameysay marka la eego dhinaca dibadda, laakiinse weli waxay ku fashilan  tahay wax ka qabashada arrimaha gudaha oo ay ugu horreyso ammaanka, cabsida magaalada ka jirta waa sii korortay,” ayuu yiri aqoonyahan ka mid ah kuwa Muqdisho oo la hadlay HOL.

Aqoonyahankan oo codsaday inaanan magaciisa sheegin ayaa intaas intaas ku daray in dowladda looga fadhiyo inay wax ka qabato ammaan-xumida ka jirta Muqdisho dhowrka bilood ee foodda nagu soo haya.

Madaxweynaha Somalia ayaa Muqdisho kaga dhawaaqay todobaadyo ka hor dhismaha guddi ka shaqeynaya ammaanka dalka oo dhan, kaasoo uu isagu madax u yahay, balse weli waxaa sii socda dilalka qorsheysan iyo qaraxyada ay Al-shabaab ka geysanayso Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya