4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 10, 2013
Fanaanada Hibo Maxamed (Hiba Nuura) oo 22-sano kaddib Maanta dib ugu soo laabatay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)


Talaado, September 10, 2013 (HOL) — Fanaanadda caanka ee Soomaaliyeed, Hibo Maxamed Gudoon (Hibo Nuura) ayaa dib ugu soo laabtay 22-sano kaddib magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya, kaddib casuumaad ay ka heshay maamulka gobolka Banaadir.

HiboNuura oo ay soo dhaweeyeen fanaaniintii Soomaaliyeed, abwaanno, fannaan ka soo laabtay qurbaha, mas'uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir iyo barbaarta gaashaaman oo saxaafadda kula hadashay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay inay dib ugu soo laabato muddo dheer kaddib Muqdisho, iyadoo sheegtay in dowladda hoose ee Muqdisho ay ku casuuntay caasimadda.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan Muqdisho kusoo laabto, waa halkii aan ku dhashay, ku koray, fankana aan kaga biiray. Hillow badan ayaan u qabay intii aan ka maqnaa oo dhan,” ayay tiri Hibo Nuura oo tixo suugaan ah ku cabirtay aragtideeda Muqdisho iyo sida ay u jeceshahay.

Fannaanadu waxay sheegtay in markii ay ka tagaysay caasimadda iyo hada uu farqi weyn u dhexeeyo, iyadoo ilmaysay markii ay aragtay dad badan oo kusoo dhaweynayay garoonka kuwaasoo ay ka mid yihiin abwaannadii iyo fannaaniintii hobollada waaberi iyo kooxihii kale ee fanka Soomaaliyeed.

Afhayeenka gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf oo isaguna saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in imaanshana fannaanada weyn ee Hibo Nuura ay muujinayso in magaalada Muqdisho ay tahay mid nabad ah oo si weyn uga bedelay sidii ay ahaan jirtay.

“Hibo Nuura inay timaado Muqdisho caddeyn ayay u tahay in magaaladu ay tahay mid nabad ah, waxaana fannaanada leennahay kusoo dhawow meel ay muddo dheer kuugu dambeysay,” ayuu yiri Maxamed Yuusuf.

Sidoo kale, waxaa la hadlay saxaafadda C/kariin Jiir oo abwaannada Somalia ka mid ah, kaasoo aan dalka ka bixin wuxuuna imaanasha Hibo Nuura uu ku tilmaamay inay gelinayso rajo weyn oo muddo ka maqnayd, isagoo Hibo ku tilmaamay inay ahayd fannaanadii Nuurka u ahayd fanka Soomaaliyeed.

Fannaanada Hibo Nuura ayaa waxay ka mid ahayd Soomaali qubaha kasoo laabtay oo ay keentay maanta oo Talaado ah mid ka mid ah diyaaradaha Turkiga ee Muqdisho yimaada oo dhowr jeer toddobaadkiiba timaadda xarunta Soomaaliya ee Muqdisho.










Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya