4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 10, 2013
SHEEKH AXMED CABDISAMAD: “Masaajidda Muuqdisho oo lagu tukan waayo waxaa sababay cabsida laga qabo Al-shabaab”

Talaado, September 10, 2013 (HOL) — Sheekh Axmed C/samad oo ka mid ah culummada ka qaybgalaya shirka looga xag-jirnimada ee Muqdisho ka socda ayaa sheegay in sababta loogu tukan la’yahay masaajidda Muqdisho ay tahay cabsi laga qabo Al-shabaab.

Wadaadkan ayaa xusay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay wax ka qabato xubnaha Al-shababa ee ammaanka qalqalka ku haya, isagoo intasa ku daray in maanta aysan ka jirin Muqdisho cabsi dowladda laga qabo.

“Masaajidda Muqdisho in lagu soo tukan waayo waxaa sabab u ah cabsi ay dadku ka qabaan Al-shabaab. Waxaana arrin looga fadhiyo inay dowladdu wax ka qabato, waayo ma ahan mas’uuliyad culummada saaran,” ayuu yiri Sheekh Axmed C/samad.

Sidoo kale, Sheekhu wuxuu sheegay in culummadu ay awooddoodu tahay inay dadka wax u sheegaan, balse aysan howshoodu ahayn inay wax ka qabtaan dhibaatooyinka ammaan-darro ee dhacaya, sidaa daraadeedna looga baahan yahay dowladda inay wax ka qabato.

“Halkan (Muqdisho) kama jirto cabsi dowladeed ee waxaa ka jirta cabsi laga qabo Al-shabaab. Halkan waxaa maamusha dowladda ee ma maamusho Al-shabaab, sidaa awgeed waxaa looga baahan yahay inay ka hortagto kuwa geysanaya amni-darrada,” ayuu Sheekhu hadalkiisa ku daray.

Shirka culummada ee ka socda Muqdisho ayaa waxaa looga hadlayaa xag-jirnimada, iyadoo ay ka qaybgalayaan culummo fara badan oo gudaha dalka iyo dibaddiisa isaga kala yimid.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlayay furitaankii shirkan ayaa sheegay in wax ka qabashada ammaanka dalka aysan ahayn mid u taalla dowladda oo keliya, ama culummada oo keliya, laakiinse waa mid u taalla shacbka oo dhan, loogana baahan yahay inay kawada shaqeeyaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya