4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 10, 2013
Madaxweynaha Somaliland oo ka qayb-galay xaflad loo sameeyay arday ka Qalin-jabisay Jaamacadda Golis (SAWIRRO)


Talaado, September 10, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxmauud (Siillaanyo), ayaa maanta shahaadooyin gudoonsiiyey in ka badan kun arday oo ka qalinjabisay jaamacadda Golis ee magaaladda Hargeysa.

Ardaydan oo ah dufcadii lixaad ee jaamacadaasi ka qalinjabiya ayaa waxa ka qaybgalay ardayda qalinjabinaysay, waalidkooda, madaxda jaamacadda, wasaarada waxbarashadda,  iyo marti sharaf faro badan oo la qaybsanaysay farxadda ardaydan.

Ardaydan ayaa tiradoodu gaadhaysa in ka badan kun arday oo iskugu jiray saddex boqol oo Darajada Degree ee waxbarashadda dhamaystay iyo in ka badan toddoba boqol oo arday oo dhamaystay Diploma.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa ardayda qalinjabisay ku hambalyeeyey guusha ay ka gaadheen waxbarashada, isagoo ilaahay u baryey inay aqoontaasi ay barteen ilaahay ku anfaco, umadoodda iyo dalkooddana wax ugu taraan.

Sidoo kale, madaxda sare ee jaamacada ayaa madaxweynaha ku maamuusay shahaadadda sare ee PHD, iyagoo sheegay dadaalka iyo horumarinta uu ka sameeyey dalka iyo waxbarashada inay ku siiyeen shahaadadaasi.

Maalmo ka hor waxa iyaguna jaamacada Admas qaybteedda Hargeysa dhamaystay 411 arday oo ka baxay kuuliyaddo kala duwan, halka jaamacadda News Generation qaybteedda Hargeysa ardaydii ka qalinjabisay xafladooddii  loogu sameeyey hoolka midowga Afrika ee magaaladda Addis Ababa, iyagoo mar la qalinjabisay arday kale oo ka baxaysay qaybteedda Itoobiya ku taalla ee jaamacadan.

Sanadkasta bishan oo kale waxa jaamacadaha kala duwan ee dalka ku yaalla ka qalinjabiya kumanaankun oo arday, kuwaas oo intooda badan aanay helin shaqooyin ay ku anfacaan naftooda iyo waalidkooda, taasina waxay keentay inay sanadkasta arday aan loo hayn meelo ay ka shaqeeyaan soo baxaan, isla markaana madaxweynuhu ka qaybgalo xafladaha loo samaynayo ardaydaasi, taasi oo war war ku haysa guud ahaan Shacabka iyo waalidka, maadaama oo ardaydaasi faraha badan ee qalinjabinaysa loo qorsheyn meelo ay ka hawlgalaan.














Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland