4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 10, 2013
Madaxweyne ku-xigeenka Dalka Kenya William Ruto oo Maxkamaddiisu dib uga billaabatay Magaalada Hague ee Holland
147D1012-60C5-4BE3-B7BE-38B38E0CD0B2_mw1024_n_s.jpgTalaado, September 10, 2013(HOL) - Madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto ayaa maanta la horgaynayaa maxkamadda dambiyada dagaalka ee The Hague, halkaasoo uu kaga jawaabi doono dacwado loo heysto oo ku aadan rabshadihii ka dhashay doorashooyinkii la isku khilaafay ee sanadkii 2007 ka dhacay dalka kenya.

William Ruto iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa labadaba lagu eedeeyay inay maleegeen rabshadihii Kenya ka dhacay doorashadii 2007-dii iyo 2008-dii xilligaas oo Kenya lagu dilay 1500 oo qof kumannaan kalana ay barakaceen.

Wararka ayaa sheegaya in maxkamadeynta Madaxweyne kuxigeenka Kenya William Ruto oo maanta bilaabaneysa la soo hordhigi doono eedeymaha ku aadan dilka, barakaca iyo dhaawaca soo gaarey dadkii rayidka ahaa, waxaa sidoo kale maanta Maxkamadda hortegaya Joshua Arab Sang oo ah Wariye Kenyan ah oo isna dambiyada loo haysto ay kamid tahay kicinta dadka kasoo jeeda qabiilka Kalenjin oo uu ka dhashay iyadoo xilligii dagaalkana uu ka shaqaynayay idaacad ku hadasha afka Kalenjin oo maxalli ah.

Dacwada maanta ka bilaaban doonta Maxkamadda ICC ayaa ku soo aadeysa, iyadoo dhowaan Baarlamaanka Kenya uu u codeeyay, inay isaga baxaan xubinnimada Maxkamada, haseyeeshee Afhayeen u hadlay Maxkamadda ayaa sheegay in go'aankaasi uusan wax saameyn  ah ku yeelan doonin dacwadda ka dhanka ah Madaxweynaha Kenya iyo kuxigeenkiisa.

Uhuru Kenyatta ayaa la filayaa in bisha November uu hortago Maxkamadda dambiyada dagaalka ee ICC, isagoo ka dalbaday maxkamadda in aan isku mar looga yeerin isaga iyo kuxigeenkiisa, maadaama aanay dalka mar kaliya ka wada maqnaan karin.

Waxaa isha lagu hayaa Maxkamadda maanta la saarayo Madaxweyne kuxigeenka Kenya iyo sida uu uga jawaabi doono eedeymaha loo heysto, iyadoo dadweynaha reer Kenya ay si gaar ah uga war dhowrayaan.

Dadka Kenyaanka ah ayaa ku kala qaybsan maxkamada la saarayo madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa iyadoo qaar badan oo aan waydiiyay sida ay u arkaan ay ii sheegeen in dacwadan ay tahay mid siyaasadeed oo la saarayo oo kaliya hogaamiyayaasha qaaarada Afrika.

"May saaraan maxkamad madaxweynaha Syria oo isticmaalay hub kiimikaal ah, may saareen George W. Bush madaxweynihii hore ee Maraykanka oo kumannaan qof ku dilay Afghanistan iyo Ciraaq" ayuu yiri Maina Mwite oo ah arday Kenyan ah oo aaminsan in maxkamada caalamiga ah la saaro oo kaliya hogaamiyayaasha kasoo jeeda qaarada Afrika.

Balse qaar kamid ah Kenyanka gaar ahaanna taageerayaasha Raila Odinga ayaa soo dhaweeyay maxkamadan oo sheegay in wixii ay ka digayeen ay soo baxday.

"Horay ayaan u sheegnay raggan in maxkamadi ku socoto oo waddanka aysan maamuli karin, hadda see waddanka u maamulayaan labadaba maxkamad ayaa ku socota, hadii la xukumo Kenya see noqon doontaa" ayuu yiri Denis Ochieng oo ah mid kamid ah taageerayaasha Raila Odinga oo sheegay in hadii hogaamiyayaashan aan lagu maxkadayn Heeg inaysan cadaalad helayn dadkii dhibaatadu ay kasoo gaartay rabshadihii 2007 iyo 2008 Kenya ka dhacay.

Dadweynaha Kenya ayaa maanta si aad ah u soo dhoobtay goobaha makhaayadaha ah ee ay ka shidanyihiin taleefishinnada si ay u daawadaan maxkamada la saarayo madaxweyne ku xigeenkooda William Ruto.


Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya