4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 10, 2013
Wafdigii uu Hoggaaminayay Sheekh Axmed Madoobe oo Qado Sharaf loogu Sameeyay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)


Talaado, September 10, 2013 (HOL) — Munaasabad qado sharaf ahayd oo lagu soo dhaweynayey wafdigii uu hoggaaminayay Sheekh Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa maanta loogu sameeyay magaalada Muqdisho.

Qadadan ayaa waxaa kasoo qayb-galay hoggaamiyeyaal dhaqan, siyaasiyiin kasoo jeeda deegaannada Jubbooyinka, wasiirka warfaafinta Soomaaliya, C/llaahi Ciilmooge Xirsi iyo marti-sharaf kale oo lagu casuumay.

Hoggaamiye dhaqameedyo kasoo jeeda Jubooyinka ayaa hadallo kala duwan kasoo jeediyay halkaas, kuwaasoo uu ka mid ahaa Suldaan Maxamed Muuse Barre, Ugaas Faarax Cabdi Sheekh, Ugaas Honero, Suldaan C/caafi, Suldaan Aadan Garab, Suldaan Waalow,  Suldaan Maxamed Muuse Lugoloox iyo qaar kale.

Guddoomiyaha guddiga xiriirka Jubbooyinka, Suldaan Cabduqaadir Maxamed Xaaji (Lugo-dheere) oo ka mid ahaa waxgaradkii xafladda qado-sharafta ah ka halay ayaa ku dheeraaday faa’iidada ay leedahay nabada iyo qiimaha uu ugu sugan yahay gobollada Jubbnooyinka, isagoo heshiiskii Addis Ababa lagu gaaray ku tilmaamay mid guul ah.

Wuxuu u mahadceliyay dhammaan intii ka shaqeysay heshiiskaas sida IGAD, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo dhammaan beesha caalamka isagoo si gaar ah ugu mahadceliyay dowladda Itoobiya, isagoo cadeeyay inay abaal u hayaan dhammaan dhinacyadii kasoo shaqeeyay heshiiskaas.

Gabagabadii kulanka ayaa wuxuu guddoomiyuhu ku dhawaaqay in gogoshii Jubbooyinka ee Muqdisho tiilay wixii hadda ka dambeeya loo raray gobollada Jubbooyinka gaar ahaan magaalada Kismaayo, waxaana sidoo kale gogosha rariddeeda ku dhawaaqay dhammaan siyaasiyiinta iyo oday dhaqameedyada kasoo jeedo Jubbooyinka ee kulankaas ka qayb-galay.

Guddoomiyaha maamulka KMG-ka ah ee Jubba Sheekh Axmed Madoobe oo oo isna hadal ka jeediyay kulanka ayaa ka mahad-celiyey doorkii uu Suldaan Luga-dheere kasoo qaatay taabbo-galinta heshiiska Jubbooyinka, wuxuuna aad iyo aad u soo dhaweeyay in gogosha Jubbooyinka loo wareejiyay Kismaayo taasoo ah tallaabo lagu soo af-jarayay khilaafkii ka taagnaa Jubbooyinka.

Xafladdan qadada ah waxaa goob-joog ka ahaa xubno ka tirsan safaaradda dowladda Itoobiya ay ku leedahay Soomaaliya, urur-goboleedka IGAD iyo marti-sharaf kale oo fara badan.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya