Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland oo ka hadlay heegan ay geliyeen Ciidamada ammaanka

Isniin, 16 May 2011 (HOL)- Iyadoo ay magaalooyinka Somaliland ka socdaan diyaar-garowga Xuska sanad-guurada 20naad ee ka soo wareegtay markii ay Somaliland sheegtay inay gaar uga go’day Soomaaliya, ayaa Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Cilmi Rooble Furre wuxuu ka hadlay qorshahooda amniga ee wakhtiga Xuska.

 

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Gen. Cilmi Rooble Furre (Cilmi Kabaal) oo shir-jaraa’id ku qabtay Hargeisa, ayaa ayaa shaaca ka qaaday in ay aad u adkeeyeen guud ahaa amaanka isla markaana Shacabka ugu baaqay  ay si geesinimo leh oo aan lahayn waxa cabsi ah ugu soo baxaan munaasibada sanad guurada 20-aad ee 18-ka May. Waxaanu intaa ku daray in Boolisku wuxuu sheegay in amniga sugayaan, waxaanu dadweynaha u soo jeediyay inay si nabad gelyo ah ku dabaal degaan, isla markaana dhegaha ka furaystaan in la cabsi geliyo. “Anigoo ku hadlaya magacayga iyo magaca ciidanka Booliska Somaliland waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa shacbiga Somaliland oo aan leeyahay ku raaxaysta dabaal dega la soo noqoshada madaxbanaanida iyo qaranimada Somaliland. Haddii aanu adduunku ina aqoonsanna ILAAHAY ayaa ina aqoonsan oo waxaynu nahay ummad muslin ah, waana inaynu isku kalsoonaanaa dhulkeenu waa dhul qaydhiin nin walibana wuu ku khasban yahay inuu inoo yimaado,” ayuu yidhi Taliyaha ciidanka Boolisku.

Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Xagga Nabadgelyada warar badan iyo cabsi-gelin ah, ayaa jirta, dadweynoow ciidanka Booliska, ciidanka qaranka, ciidanka asluubta iyo ciidanka wardoonka Somaliland ee aad leedihiin sidaad horeba ugu seexateen u aaminsanaada, dhulku waa nabad Anagaa indho qudhaano iyo indho libaaxba leh cid soo geli kartaa meel inagama heli karto. Waxaan idin leeyahay shacbiyoow anagaa idiin soo jeednee si wanaagsan u ciida, anagaa idiin soo jeednee si wanaagsan u cibaadaysta.”

 

Magaalooyinka Somaliland ayaa si guud looga maqlayaa dhawaaqa Gaadiidka ay cod-baahiyayaasha waawayni ku rakiban yihiin, kuwaas oo wacyigelin iyo Heeso waddani ahi ka baxayaan. Waxaana jidadka meel walba taagan Ciidan tiro badan oo ka mid ah kuwa Milatariga iyo Booliska.

 

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online

[email protected]

Hargeisa, Somaliland.