Odayaasha Muqdisho oo Shariif Xasan ku eedeeyay inuu diiday heshiis la dhexdhigo isaga iyo Madaxweynaha


Isniin, May 16, 2011 (HOL) Odayaasha dhaqanka iyo midnimada beelaha Muqdisho ayaa ku eedeeyay guddoomiyaha baarlamaanka inuu diiday heshiis dhexdhexaadin ah oo ay doonayeen inay meesha kaga saaraan khilaafka u dhexeeya isaga iyo madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Shir jaraa'id oo uu guddoomiyaha golahan Maxamed Xasan Xaad maanta ku qabtay Muqdisho ayuu ku sheegay in Shariif Xasan Sheekh Aadan uu caqabad ku noqday dadaalladii ay wadeen, iyagoo sheegay inuu si toos u diiday heshiis laga gaaro khilaafka.

"Waxaan isku daynay inaan xallinno khilaafka u dhexeeya hay'adaha dowladda ee ay kala hoggaamiyahaan madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka, balse waxay ka socon wayday dhinaca guddoomiyaha baarlamaanka iyo xubnaha la safan," ayuu yiri nabaddoon Maxamed Xaad.

Isagoo intaas ku daray, inay sameyn doonaan isku-dayo kale oo ay ku yareynayaan khliaafaas, wuxuuna xusay inay dadaallo badan u geli doonaan sidii ay iskusoo hor-fariisin lahaayeen madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka.

Dhanka kale, warsaxaafadeed uu maanta soo saaray golahan ayaa looga codsaday ururka Midowga Afrika, IGAD, Jaamacadda Carabta iyo dalalka daneeya Soomaaliya inay ogolaadaan muddo kordhin hal sano oo loo sameeyo dhammaan hay'adaha DKMG ah si ay ugu dhameystiraan howlaha horyaalla.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ay odayaashan sheegaan inay ku fashilmeen isku-dayo ku aaddan inay isku keenaan madaxda dowladda Soomaaliya oo uu khilaafku u dhexeeyo, waxayna sheegeen inay wadayaan dadaalladan isku-dayda ah illaa ay xal ka gaaraan khilaafka.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya