Ciidamada amniga Boosaaso oo dad badan xalay xabsiga dhigay

Isniin, May 16, 2011 (HOL) – Ciidamada amniga degmada  Bosaaso ayaa xalay howlgallo ay sameeyeen ku qab-qabtay dad ka badan toboneeyo ruux, kuwaasi oo la sheegay in qaarkood looga shakisanyahay dilal ka dhacay gudaha degmada habeen hore.

"Dadka la qabtay waxaa ku jira kuwa ku ganacsanayay hareeraha laamiga ,mana garanayno sababta arintan keentay "ayuu yiri Cali Baashi oo kamid ah dadka deegaanka oo HOL la hadlay.

Taliyaha qaybta booliska Bosaaso Siciid Jaamac Hurun ayaa sheegay in ay socdaan baaritaanno la xiriira dilal ka dhacay gudaha magaalada, isla markaana ay jiraan dad laga shakisanyahay oo gacanta lagu dhigay.

"Laamaha amniga uma dul qaadan doonaan waxyaabaha dhacaya oo wax wayn u dhimi kara amniga Bosaaso"ayuu yiri Siciid Jaamac Huran oo waraysi siiyay qaar kamid ah idaacadaha Puntland.

Waxaa kaloo taliyaha uu sheegay in ciidanka qaarkood lagu daadiyay xaafadaha Bosaaso ay ka koobantahay si ay gacanta ugu soo dhigaan ciddii laga shakiyo,maadaama ay dhaceen dilal qorshaysan oo amniga qal-qal galiyay sida uu hadalka u dhiga.

"Qofkii loo arko in uu ka hor-imaanayo shaqada ay hayaan ciidanka amniga waa la qaban doonaa ,iyadoo sharciga loo tiigsanayo"ayuu hadalkiisa ku daray taliyaha ,isagoo ku baaqay in booliska la taageero.

Wasiirka amniga Puntland Yuusuf Axmed Khayr ayaa isna maalin ka hor ka sheegay madaxtooyada Bosaaso in ay jiraan dad badan oo cadow ku ah nabadda Puntland loona baahanyahay in laga hortago.

Dilalkii ugu danbeeyay ee Bosaao ka dhacay waxaa loo gaystay labo kamid ah waxgaradka degmada ,iyadoo dilalkaasi ay ahaayeen kuwa ku salaysnaa aanooyin qabiil oo ka dhex jiray beelaha Cali Saleebaan iyo Cali Jibraahil ee Puntland

Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online
[email protected]
Bosaaso,Soomaaliya