Xarrrakada Mujaahidinta Al-shabaab ciidamada Dooxada Shabeele oo ku dagaallamay duleedka Beledweyne

Isniin, May 16, 2011 (HOL) – Dagaallka oo ahaa mid mudo kooban socday ayaa leysku adeegsaday hub-ka noocyadiisa kala duwan, waxaana sida ay wararku sheegayaan dagaallku ka dhashay weerar ciidamada maamulka la baxay Dooxada Shabeele ay ku soo qaadeen fariisin ay lahaayeen kuwa xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab.

Max'ed Nuur Caga -Joof oo u hadllay maamulka Dooxada Shabeele ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamadoodu saakay weerarka qaadeen, isaga oo intaa ku darray sida uu hadalka u dhigay in khasaare gaarsiiyeen xoogaggii ay weerareen.

Laakiin ilaa hadda ma'jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab oo ku aadan dagaallka saakay dhacay, iyada oo dhawaqa rasaasta culus oo ay isku ridayeen dhinacyada iska horimaadku dhaxmaray saakay laga maqlayay gudaha magaalada.

Ma'aha markii ugu horeysay oo dagaal noocan oo kale ah uu dhaxmaro dhinacyada isaga soo horjeeda maamulka goballka Hiiraan, gaar ahaan xoogagga Al-shabaab iyo kuwa maamulka Dooxada Shabeele, ilaa haddana ma'jirto cid madaxbanaan oo ka hadashay dagaallka saakay dhacay iyo khasaaraha ka dhashay intaba.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne,. Soomaaliya