Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland oo ka hadlay Lacag loo ururiyay in wax lagaga qabto abaaraha

Isniin, May 16, 2011 (HOL) Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, ahna Guddoomiyaha Guddidii la-tacaalidda Abaaraha Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo xubnihii Wasiirrada ahaa ee guddidaas, ayaa faahfaahin ka bixiyay habka ay u maamuleen lacag badan oo ay guddidu ka ururisay dalka gudihiisa iyo dibeddiisaba.

Guddidan oo Shir-jaraaíd ku qabtay magaalada Hargeisa, waxay sheegeen halka ay u maraysay gurmadkii Abaaraha iyo Biyo-dhaamisku, "Sidaad la socotaan waxa ina soo maray dhibaatooyin badan oo abaaro iyo biyo la’aan ah, markaa Ha’yaddu sanadkan waxay qabatay hawl aad u badan. Waxaanu markii hore abaabulay in markii dhibtii biyo dhaamiska iyo abaartu dhacday waxaanu abaabulay inay ummadda reer Somaliland isku tashato gudaha iyo dibadaba aad iyo aad ayay shacbiga Somaliland gudo iyo dibadba uga qeyb galeen gurmadka biyo dhaamiska," ayuu yidhi Madaxweyne-xigeenku.

Madaxweyne Ku Xigeenku waxa uu sheegay inaanay Ha’yadaha caalamiga ah ka helin kaalintii ay ka rabeen inay ka qaataan gurmadkii biyo dhaamiska ahaa, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi "Ha’yaduhuna inkasta oo aanaan wixii aanu ka filaynay ka helin, haddana dhinacooda ayay ka wadeen hawsha, waxaan aad iyo aad ugu mahad celinayaa dadkii ka qeyb galay gurmadka biyo dhaamiska gudo iyo dibadba gaar ahaan ganacsatada waaweyn oo gacan balaadhan ka geystay."

Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, "Jaaliyadaha dibada waxaan ka tilmaami karaa Jaaliyada Austaralia oo aan ka tilmaami karo Milbourn oo ahayd ciddii koowaad ee lacag buuran soo dirta ahayd. Waxa kale oo aan ka tilmaami karaa gobolka sharqiya la yidhaahdo ee dalka Sucuudiga oo 1,860 dollar soo diray, jaaliyada Abu Dhabi oo muwaadiniin is xil qaamay ay 3,000 oo dollar soo direen." Waxaanu Madaxweyne-xigeenku si gaar ah ugu mahad-naqay Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan dalka Ingiriiska.

Madaxweyne-xigeenku wuxuu sheegay inay kaalin mug leh ka qaateen dadweynaha ku dhaqan dalka gudihiisu ururinta dhaqaalahan, waxaanu ka waramay waxay ka yeeleen lacagtaas, "Lacagtaasi maanu taataaban waxay jaaliyadda Somaliland nagula ballameen in lacagtaasi sal looga dhigi lahaa oo xorfad yarna ha noqotee biyo xidheeno ama dhaamam dalka looga hirgelin lahaa, Anaguna (Guddi) ahaan waanu ku raacnay arrintaasi ay ku soo talliyeen waxaana aanu lacagta ay soo bixiyeen aanu saldhig uga dhigaynaa sidii biyaha loo qaban lahaa. Waxaanay balan qaadeen inay lacago joogto ah ay u soo diri doonaan,"ayuu yidhi Saylici.

Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland