Isniin, May 16, 2011 (HOL) – Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa uga digtay dowladda Jabuuti inay ciidammo u soo dirto dalka Soomaaliya, iyagoo sheegay in haddii ay keenaan ay la kulmi doonaan dhibaatooyin ay la kulmaan ciidamada AMISOM ee dalka ku sugan.
Afhayeenka guud ee Xarrakatul Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo maanta oo Isniin ah shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in haddii Jabuuti ay ciidan keeno Soomaaliya aysan u arkay kuwo culeys ku ah.
"Qolada xukunta Jabuuti waan filaynay inay kasoo baxayaan hadallada ah inay ciidammo u soo dirayaan Soomaaliya, waayo waa calooshood u shaqeytayaal uu ku adeegto Faransiiska," ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.
Sidoo kale, afhayeenku wuxuu sheegay in Islaamka uu u sheegayo in gaaladu ay isku adeegsan doonaan Muslimiinta, balse ay iyagu rumeysan yihiin Alle oo aysan ka baqayn in cid walba oo isku bahaysata ay dhibaato u geystao.
"Waxaa tusaale ugu filan kuwa sheegay inay ciidamo u soo dirayaan Soomaaliya ciidamada faraha badan ee ku sugan dalka Afgaanistaan welina ay wax ka qaban la'yihiin," ayuu yiri Sheekh Cali Dheere, isagoo sheegay in Mareykanka oo keliya ay Afgaanistaan ka joogaan in ka badan 150,000 askari.
Xukuumadda dalka Jabuuti ayaa maalin ka hor sheegtay inay laba batalyan oo ciidammo ah ay u dirayso dalka Soomaaliya si ay qayb uga noqdaan howlgalka AMISOM ee hoostaga ururka Midowga Afrika.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya