Maxkamada degmada Caabudwaaq ee Ahlusuna oo xukun riday

Isniin, May 16, 2011 (HOL) Wararka ka soo baxaya degmada Caabud-waaq ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maxkamada degmada ee maamulka Ahlu Sunna Waljameeca xukun ku riday rag lagu eedeeyay in qorsheynayeen la baxsashada hub uu lahaa maamulka Ahlu Sunna Waljameeca.

Ragga la xukumay oo ay tiradoodu dhameyd Afar ruux ayaa sadax ka mid ah waxaa ay maxkamadu ku xukuntay xabsi gaaraya ilaa 10-sano, halka ka soo harayna la sheegay in lagu xukumay ilaa Afar sano oo xarig ah, waxaana ay maxkamadu sheegtay in la hellay marqaatiyaal islamarkaana dhinacooda qirteen danbiga lagu hellay,

Mahad Khaliif oo Ninka maamulka Ahlu Sunna Waljameeca ee degmada Caabud-waaq u qaabilsan dhinaca arrimaha Bulshada ayaa u cadeeyay warbaahinta xukunka ay riday maxkamada, waxaana uu sheegay in marnaba maamulku u dulqaadan doonin shaqsiyaadka doonaya in ay qiyaameeyaan, waxaana uu intaa ku darray in cid kasta oo isku deyda falka noocaa oo kale ah la marsiin doono ciqaab adag.

Waa markii ugu horeysay oo ay maxkamada degmada Caabud-waaq xukun intaa la eg ku riday shaqsiyaad la soo eedeeyay gaar ahaan marka la eego xariga gaarayaa ilaa 10-sano ee lagu xukumay sadax ka tirsan raga la soo eedeeyay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya