
Isniin, May 16, 2011(HOL): Dhalinyaro Soomaaliyeed oo is-xilqaamay ayaa waxay magaalada Stockholm ku xuseen maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed oo sanad kasta la xuso marka la gaaro 15-ka May.
Dhalinyaradan oo u badan kuwo ku dhashay ama ku koray Dalka Sweden, gaar ahaan Magaalada Stockholm ayaa waxay muujiyeen dadaal aysan isku shuqlin dad iyaga ka waa weyn oo xitaa ogaa qiimaha ay leedahay maalintaas iyo maamuuska loo sameyn jiray.
Xaflad ay maalintan ku xusayeen oo ay ku qabteen xaafadda Rinkeyby ee magaalada Stockholm ayaa waxaa ka qeybgalay dad aan sidaas u badneyd, iyadoo markii aan weydiiyay dhalinyaradii xafladda soo abaabushay sababta aysan dad badan uga soo qeybgelin dad badan ay sheegeen in jawiga xoogaa uu qabow yahay, isla markaana uu roob da’ayo, sidaasna aysan dad badan u soo xaadirin.
Dad badan yeysan kas oo qeybgelin balse waxaa xusid mudan in dhalinyarada xafladda soo abaabulay oo aan ka xusi karo C/raxiin Muxyaddiin Maxamed, Axmed Jabbey, Axmed Maxamed Cali, Qadaafi iyo Xuseen ay dareemayeen weynida maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee lagu xusuusto dhalinyaradii Soomaaliyeed ee SYL ee ka qeybgqaadatay gobanimo-doonkii.

C/raxiin Muxyaddiin Maxamed oo isagu si weyn ugu howlanaa qabanqaabada xafladdan ayaa HOL u sheegay in ay tahay markii ugu horreysay oo maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed laga xuso Magaalada Stockholm, gaar ahaan Xaafadda Rinkeby, wuxuuna sheegay in ay ku dhalisay xuska maalintan iyadoo dalka Soomaaliyeed uu muddo ka badan 20 sano dhibaato ku jiro, sidoo kalena ay soo badanayaan maamul goboleedyo mid kasta oo ka mid ah lagu sheegayo in uu gooni isu taagayo.
Munaasabadda ayaa waxaa ka hadlay Xildhibaanad Drs. Aamina Siciid oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo Jaalle Maxamed Cumar oo ka mid ahaa taageerayaashii SYL iyo weliba XHKS, waxayna labaduba si weyn u bogaadiyeen dhalinyarada isku shuqliyay in ay maamuusaan oo ay weyneeyaan maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed, waxayna sidoo kale ku dheeraadeen ka hadalka munaasabadda 15-ka May iyo kaalintii ay gobanimo-doonka ku lahaayeen dhalinyaradii SYL.





Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online