Qaraxyo ay khasaare dhimasho iyo mid dhaawac kasoo gaartay Ahlusunna oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Isniin, May 16, 2011 (HOL) Ugu yaraan afar ruux oo ka mid ah xoogagga kooxda Ahlusunna Waljamaaca ayaa ku dhintay sideed kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray qaraxyo waaweyn oo maanta ka dhacay mowlaca Macallin Nuur ee degmada Hodan oo ay Ahlusunna shalay la wareegtay.

Qaraxyadan oo wararka qaarkood ay sheegayaan inay ahaayeen hoobiyeyaal lagu duqeeyay mowlaca, halka kuwo kale ay sheegayaan inay yihiin miinooyin ka qarxay gudaha mowlacaas ayaa waxay mas'uuliyiinta Ahlusunna ku eedeeyeen Xarrakatul Shabaab.

"Waxaa maanta naga dhintay afar ruux oo ciidamadeenna ka tirsan, sideed kalena waxaa soo gaaray dhaawacyo, umana aragno khasaare," ayuu warbaahinta u sheegay Max'ed Max'ud Casayr oo ah mas'uul sare oo ka tirsan kooxda Ahlusunna.

Sarkaalkan wuxuu sheegay in dagaallo kooban oo u dhexeeya Xarrakatul Shabaab iyo ciidamadooda ay ka dhaceen degmada Hodan, gaar ahaan agagaarka mowlaca Macallin Nuur, balse aanay jirin khasaare ka dhashay.

Ururka Ahlusunna Waljamaaca ayaa waxaa u suurogaashay inay qabsadaan shalay oo Axad ahayd mowlaca Macallin Nuur kaddib dagaallo culus oo maalmahaan ku dhexmaray degmooyinka Hodan, Howlwadaag iyo Wardhiigley DKMG ah oo gacan ka helaysa AMISOM iyo xoogagga Xarrakatul Shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya