Sunday, July 27, 2008
Leicester, UK (HOL) - Waxaa baryahanba si xiiso leh uga socdey magaalada Leicester ciyaaro aad u xiiso badan oo ay dadweyne badana usoo daawasho tagaan maalin walaba, ciyaarahaas ayaa waxaa manta lacayaaray Semifaynalkoodii, waxaa ciyaarahaas isaga horyimid kooxaha kala ah Birmingham, Leicester,Al-Hijra,Waaberi.
Ciyaartii ugu horeysey manta ayaa waxaa isaga horyimaadeen labada kooxood eekala ah Birmingham iyo Leicester, ciyaartaan ayaa waxaa ay aheyd ciyaar aad u adag oo ay labada kooxood soo bandhieen ciyaar wanaag ay ku dheehneed degenaan .

Ciyaarta ayaa waxaa weerar iyo weerar celis ka dib ay qaybtii ugu horeeysey kusoo gabagaboowdey eber iyo eber. Qaybtii labaad ayaa markii ay labaddii kooxood wadatashi iyo dardaaran lasoo suubiyeen tababarayaashooda ayaa waxaa intii aysan dhamaan ciyaarta qaybteeda labaad ayaa waxaa usuuro gashay inay dhaliyaan gool kooxdii Leicester, goolkaasna waxaa u dhalyey inanka 23 u sita kooxda Leicester magaciisana layiraah SICIID H. Siciid, sidaas ayaana kooxda Leicester waxaa ay ugu soo gudubtay ciyaartii kama danbaysta aheyd.
Kooxda Birmingham ayaan waxaan ka xasuusanaa ciyaaryahanka nro sideedaad ee kooxdaa Cabdicasiis oo ahaa kabtanka kooxda kaas oo waxbadan isku dayey inuu dhiirigeliyo kooxdiisa.

Ciyaartii labaad ayaa waxaa isaga horyimid labada kooxood eek ala ah Waaberi iyo Al-Hijra, labadan kooxood ayaa waxaa ay ahaayeen laba kooxood oo aad loosugayey, kooxahan ayaa waxaa ay ka mid yihiin kuwa EuroSom ugu adag, hase ahaatee ciyaartii markii ay bilaabatay ayaa waxaa durbadiiba dareemaysey iney soo diyaargaroobeen labadan kooxood oo koox walba waxaa ay rabtay iney usoo baxdo ciyaarta Finalka ah ee laciyaaridoono maalinta 31.7.2008.
Ciyaartan ayaa qaybtii koowaad waxaa ay ku dhamaatay eber iyo eber, horaybaa waxaa loo yiri ciyaari waa gelindanbe, si kastaba ha ahaatee waxaa ay ciyaartii kusoo gabagaboowdey Al-Hijra oo halgool ugu soo gudubtay Finalka, waxaana u dhaliyey Abdinaasir Siciid Geesey. iyo waaberi oo aan waxba dhalin.

Macalimiinta kooxahan ayaa waxaa ay ahaayeen kuwo aan dhihi karo qibradooda waa kuwo u qalma iney soo saaraan kooxo tirobadan oo Somaaliyeed, Macalin Siciid Ceyrow ayaa waxaa uu ahaa Ciyaaryahankii Naadiga Horseed iyo Qaranka Somaaliyaba, Halka Macalin Rabiicna uu yahay macalinka keliya ee EuroSom ugu asiyaaneysan, marna ka mid noqdey macalimiintii qaranka wax ka hogaamisey.
Haddaba aqristayaalow ciyaarta finalka aha ayaa waxaa laciyaaridoonaa maalinta 31.7.2008, waxaana isaga hor imaandoona kooxaha Al-Hijra oo ka socota London iyo kooxda gurigeed martida loogu yahay ee Leicester.
Waxaa warbixintaa magaalada Leicester ee dalka Ingriiska nooga soo diray
Cabdicasiis Godax Barre
E-mail: [email protected]