Axad, July 27, 2008(HOL): Saraakiisha Maxkamadaha Islaamiga ee ku sugan Gobalka Hiiraan ayaa sheegay in wada hadallada u socda Odayaasha dhaqanka Gobalka iyo Ciidamada Itoobiya yihiin kuwo aan mira-dhali doonin, isla markaana mar walba lama huraan ay tahay dagaal lala galo sida ay hadalka ku dhigeen Gumeysiga ku soo duulay Gobolka.
Shiikh Xuseen Gaagaale oo wareysi siinayay mid ka mid ah Idaacadaha ka howl-gala gudaha dalka ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiyaanka iyo Odayaasha dhaqanka dhowr jeer uu horay u dhaxmaray wada hadal u jeedadiisu aheyd in Ciidamada Itoobiyaanku gudaha u soo galin Magaalada, laakiin ugu danbeytii laga dhaxlay in si arxan darro ah loo duqeeyo qeybo ka mid ah Magaalada oo hadda ah ayuu yiri kuwo dhulka lala simay.
Gaagaale waxaa uu intaas ku daray in markii hore Xoogagga Maxkamaduhu ahaayeen kuwo u turayay shacabkoodo hase ahaatee waxaa uu sheegay in ay dadkii shacabka ahaa magaalada isaga baxeen, isla markaana ay haatan kadib gudaha magaalada ku faltami doonaan Ciidamadooda iyo kuwa Itoobiya.
Waxaa kale oo uu sheegay in dhinacooda aysan marnaba u dulqaadan doonin in gudaha Magaalada ay iska sii joogaan Ciidamada Itoobiya, goor ay noqotana mar walba dagaalku yahay lama huraan si markaas looga saaro Magaalada Ciidamada hadda ku jira.
Dhinaca kale war Saxaafadeed ay soo saareen Xildhibaanada ku jira Baarlamaanka Federaalka kana soo jeeda Gobalka Hiiraan ayaa looga codsaday dhinacayada isku haya Magaalada Beledweyne in ay u turaan dadka shacabka ah, gaar ahaan Ciidamada Itoobiya oo ay ku eedeeyeen Madaafiicdii loo isticmaalay dagaalkii labadii cisho ee la soo dhaafay ka dhacay gudaha Magaalada.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Saraakiisha Maxkamadaha G/Hiiraan oo sheegay in wada hadallada u socda Odayaasha Dhaqanka iyo Ciidamada Itoobiya ay yihiin kuwo waxba kama jiraan ah
More News
- Kooxaha Leicester iyo Al-Hijra oo ciyaarta kama dambeysta (FINAL)ks ee Eursom isugu soo baxay
- Hoobiyayaal lagu weeraray Garoonka Diyaaradaha Magaalada Beledweyne iyo Xerada Jante-kuundisho
- Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo dhagax-dhigay Garoonka Kubadda Cagta Banaadir Stadium oo dayactir lagu sameynayo
- Sarkaal u shaqeynayay Hay’adda WHO oo lagu dhaawacay inta u dhaxeysa Degmooyinka Baydhabo iyo Diinsoor
- Gabar 18 sano jir ah oo Xalay lagu gowracay Degmada Shibis
- Xukuumadda Somaliland oo Albaabada u laabtay Xafiiskii Telefishanka UNIVERSAL
- Dilal salka ku haya Aano Qabiil oo ka dhacay Deegaanno ka tirasn Gobolka Shabeelaha Dhexe
- Xildhibaano ka soo jeeda Gobolka Hiiraan oo dhinacyada ku dagaallamaya Magaalada Beledweyne ugu baaqay in ay dadka Rayidka ah u turaan
- Xukuumadda Federaalka oo beenisay in Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde uu Isbaheysiga Dib u xoreynta kula heshiiyay in ay fariisimo ka sameystaan Gobollada Hiiraan iyo Sh/ Dhexe