Gabar 18 sano jir ah oo Xalay lagu gowracay Degmada Shibis

Axad, July 27, 2008(HOL): Meydka Gabar da’deeda lagu qiyaasay 18 sano ayaa xalay fiidkii laga helay agagaarka Dugsiga G/lle Xasan Diiriye  ee Degmada Shibis, iyadoo meydka gabadhaasna uu ahaa mid gowracan.

Dad ehello la ah Gabadha la gowracay ayaa sheegay in Gabadhooda ay kaxeysteen Rag ku labis Dharka Ciidamada, kuwaasi oo kadibna meydkeeda oo gowracan soo dhigay agagaarka Dugsiga G/lle Xasan Diiriye.

Gabdhan la gowracay oo lagu magacaabi jiray Raxmo C/qaadir Shiikh  ayaan ilaa iyo haatan la ogeyn sababtii ay raggaas u kaxeysteen, kadibna ay u dileen, inkastoo ay jiraan warar sheegaya in raggaas ay doonayeen in ay Gabadha kufsadaan.

Dadka ku dhaqan Degmada Shibis ayaa falkaas dilka ah si weyn uga naxay, waxayna cambaareeyeen Kooxihii ka dambeeyay falka lagu dilay Raxmo C/qaadir Shiikh oo kooxaha dilay ay ka kaxeysteen meel Internet Café ah.

Inj. Mataan Cali Xasan oo ah Guddoomiyaha Urur u dooda xuquuqda Caruurta ayaa sheegay in ay cambaareynayaan Kooxihii ka dambeeyay dilka gabadhaas oo uu sheegay in ay ka soo jeedo beelaha aan hubeysneyn.

Dowladda Federaalka iyo dhinacyada ka soo horjeeda ayuu ugu baaqay Inj. Mataan Cali Xasan in ay dhowraan Xuquuqda Caruurta, isla markaana ay ka fogaadaan wax kasta oo lid ku ah Xuquuqda Caruurta.

Dhanka kalena, Deegaanka Tooro-toorow ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa ka taagan xiisad ka dhalatay gabar la kufsaday, taasi oo u dhaxeysa labo beelood oo Deegaankaas wada degan.

Xiisadda labada beelood u dhaxeysa ayaa waxay cirka isku sii shareertay kadib markii beeshii gabadha laga kufsaday ay dileen wiil loogu sheegay in uu gabadhooda kufsaday, hayeeshee waxaa haatan lagu soo waramayaa in ay Odayaal dhaqameedyo ku howlan yihiin sidii xiisaddaas loo qaboojin lahaa.

Ugu dambeyntiina, Tacaddiyada ka dhan ah Haweenka ayaa tan wixii ka dambeeyay markii ay burburtay Dowladdii hore ee Soomaaliya waxay u sii kordhayaan si aan caadi ahayn, waxaana mar kasta la maqlaa Haween la kufsaday, la dilay ama si bani’aadannimo-ka-bax ah loola dhaqmay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia