Xildhibaano ka soo jeeda Gobolka Hiiraan oo dhinacyada ku dagaallamaya Magaalada Beledweyne ugu baaqay in ay dadka Rayidka ah u turaan

Axad, July 27, 2008(HOL): Xildhibaanno ka soo jeeda Gobolka Hiiraan oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay ugu baaqeen dhinacyada ku dagaallamaya Gobolka Hiiraan, gaar ahaan Magaalada Beledweyne in ay dadka rayidka ah u turaan.

Xildhibaannadan oo uu u hadlay Xildhibaan Maxamed Xuseen Caddow ayaa waxay ugu baaqeen dhinacyada ku dagaallamaya magaalada Beledweyne in ay u turaan dadka sida ay yiraahdeen biri-ma-geydada ah ee ay ku dul-dagaallamayaan, waxayna hoosta ka xariiqiin in ay dagaalka ka fogeeyeen meelaha ay dadka rayidka ah ku sugan yihiin.

Sidoo kalena, Xildhibaannada ayaa waxay baaq u direen Hay’adaha Samafalka, waxayna ka codsadeen inay gargaar deg deg ah la gaaraan dad badan oo ku tabaaleysan Gobolka Hiiraan, kuwaasi oo ay ugu daran yihiin kuwo ku barakacay dagaallo dhawaanahan ka dhacayay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Xildhibaan Maxamed Xuseen Caddow ayaa sheegay in dagaallada ka socda Gobolka Hiiraan ay la mid yihiin Dagaallada ka aloosan meelo badan oo ka mid ah Dalka Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay aaminsan yihiin in dagaalladaas xal loo heli doono marka ay dhinacyada isku haya Soomaaliya ka heshiiyaan khilaafaadyada siyaadeed ee u dhaxeeya.

Hadalka ay soo saareen Xildhibaananda ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dabayaaqadii todobaadkii hore uu Magaalada Beledweyne ka dhacay dagaal dhexmaray Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, iyadoo dagaalkaasina uu sababay dhimashada dad 10 ruux ka badan, dhaawac intaas ka badan, burbur hantiyeed  iyo weliba barakac baahsan oo ku yimid dadkii magaalada Beledweyne ku dhaqnaa.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia