Axad, 27, July, 2008 (HOL) Hoobiyayaal dhowr ah ayaa maanta lagu weeraray Garoonka Diyaaradaha Magaalada Beledweyne iyo Xerada ay degan yihiin Ciidamada Itoobiya ee Jante-kuundisho sida ay HOL u xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah.
Weerarradan ayaa ku soo beegmay labo maalmood kadib dagaal culus oo gudaha magaalada Beledweyne ku dhaxmaray Ciidamada Itoobiya iyo Kooxaha ka soo horjeeda, waxaana wararku intaas ku darayaan in weerarka lagu qaaday Garoonka diyaaradaha uu sababay dhaawaca Sadax Ruux oo rayid ah.
Waxaa markiiba bilawday weerarka kadib in halkaas ay isaga cararaan dadkii ka dhawaa goobaha la weeraray, gaar ahaan garoonka diyaaradaha oo ka mid ah goobaha ay sida weyn u gaareen dadkii isaga cararay dagaalkii ka dhacay Magaalada Beledweyne.
Weerarka lagu qaaday Xerada Ciidamada Itoobiya ee Jante-kuundisho ayaa muujinaya in wali xaaladdu aysan aheyn mid laysku haleyn karo, inkastoo uu jiro dadaal ay wadaan Odayaasha dhaqanka Gobalka oo si weyn ugu howlan in mar kale aan lagu dul dagaalamin dadka rayidka ah.
Sikastaba arrintu ha ahaatee, lama oga halka ugu dambeytii xaaladdu saldhigan doonto maadaama Saraakiisha Maxkamadaha Gobalka Hiiraan ku dhawaaqeen dagaal ay la gali doonaan Ciidamada Itoobiya inta ay ku sugan yihiin gudaha Magaalada Beledweyne.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Hoobiyayaal lagu weeraray Garoonka Diyaaradaha Magaalada Beledweyne iyo Xerada Jante-kuundisho
More News
- Kooxaha Leicester iyo Al-Hijra oo ciyaarta kama dambeysta (FINAL)ks ee Eursom isugu soo baxay
- Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo dhagax-dhigay Garoonka Kubadda Cagta Banaadir Stadium oo dayactir lagu sameynayo
- Sarkaal u shaqeynayay Hay’adda WHO oo lagu dhaawacay inta u dhaxeysa Degmooyinka Baydhabo iyo Diinsoor
- Gabar 18 sano jir ah oo Xalay lagu gowracay Degmada Shibis
- Xukuumadda Somaliland oo Albaabada u laabtay Xafiiskii Telefishanka UNIVERSAL
- Dilal salka ku haya Aano Qabiil oo ka dhacay Deegaanno ka tirasn Gobolka Shabeelaha Dhexe
- Xildhibaano ka soo jeeda Gobolka Hiiraan oo dhinacyada ku dagaallamaya Magaalada Beledweyne ugu baaqay in ay dadka Rayidka ah u turaan
- Xukuumadda Federaalka oo beenisay in Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde uu Isbaheysiga Dib u xoreynta kula heshiiyay in ay fariisimo ka sameystaan Gobollada Hiiraan iyo Sh/ Dhexe
- Saraakiisha Maxkamadaha G/Hiiraan oo sheegay in wada hadallada u socda Odayaasha Dhaqanka iyo Ciidamada Itoobiya ay yihiin kuwo waxba kama jiraan ah