Xukuumadda Somaliland oo Albaabada u laabtay Xafiiskii Telefishanka UNIVERSAL

Axad, July 27, 2008(HOL):Xukuumadda Somaliland ayaa albaabada u laabtay Xafiiska uu magaalada Hargeysa ku leeyahay Telefiishanka Afka Soomaaliga ku hadla ee Universal.

Inkasta oo aanay Xukuumadda Somaliland si rasmi ah u shaacinin arrintan, haddana sida ay HOL u xaqiijiyeen dad xog-ogaal ahi, Xukuumadda Somaliland ayaa amar ku bixisay in Xafiiska UNIVERSAL TV aanu shaqayn, isla markaana aan wax war ah laga diri karin.

Waxay wararku intaa ku dareen in Xukuumadda Somaliland tallaabadan qaadday ka dib markii sida la sheegay ay dhawaan Hargeysa Warar ka direen Wariyayaal cusub oo uu TV-gu qaatay, kaas oo ay sheegtay inaan heshiiska iyo diiwaangelinta Xafiiska aanay ku jirin inay Somaliland ka hawlgalaan Wariyayaal ka badan laba Wariye, taasina ay ka hor imanayso qodobada diiwaangelinta.

 Hase yeeshee, warar madax bannaan oo arrintan ka soo baxay ayaa sheegaya in Xukuumadda Somaliland ay ku kaliftay inay tallaabadan qaaddo waraysiyo laga qaaday xubno uu ka mid yahay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, kuwaas oo uu Guddoomiyaha Xukuumadda ugu soo jeediyay eedaymo iyo dhalliilo kala duwan, taas oo ay Xukuumadduna ka carootay.

Ma jiraan warar rasmi ah oo xaqiijinaya mudada uu Xafiiskani xirnaan doono, hase ahaatee wararka aanu ka helayno ilahaas Xog-ogaalka ahi waxay intaas ku dareen in toddobaadkan gudihiisa ay soo bixi doonaan faahfaahinta warkani.

Madaxda sare ee Telefishanka Universal, ayaa dhawaan magaalada Hargeysa ka shaqaalaysiiyay weriyayaal cusub, iyadoo ay hore u jireen weriyayaal wakiil u ahaa teleefishankaas oo iyana shaqadoodii wata.

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland