Xukuumadda Federaalka oo beenisay in Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde uu Isbaheysiga Dib u xoreynta kula heshiiyay in ay fariisimo ka sameystaan Gobollada Hiiraan iyo Sh/ Dhexe

Axad, July 27, 2008(HOL): Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay beenisay hadal uu sii daayay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kaasi oo ahaa in Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde uu Isbaheysiga Dib u xoreynta kula heshiiyay in ay saldhigyo ka sameystaan Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Iidow Beyle ayaa beeniyay hadalkaas, wuxuuna sheegay in heshiiskii Jibouti ka dhacay ee ay wada gaareen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta uu ahaa mid cad oo ka kooban 11 qodob, kaasi oo uu xusay in ay saxiixitaankiisa goob-joog ka ahaayeen Wakiillo ka socday Beesha Caalamka.

“Aniga waxaan ka mid ahaa Ergadii Dowladda Federaalka uga qeybgashay Wada hadalladii Jibouti, labadii jeerna shirka waan joogay mana jirin heshiis gaar ah oo uu Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde kula galay Isbaheysiga Dib u xoreynta in ay saldhigyo ka dhigtaan Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe”ayuu yiri Nuur Iidow Beyle oo sheegay in qodobada heshiiska dhexmaray Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga dib u xoreynta ay ahaayeen kuwo cad oo ay cid kasta arki kartay.

Xildhibaan Cali C/llaahi Cosoble oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu dhawaan u sheegay Idaacadda Codka Mareykanka ee VOA in Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde uu madaxda Isbaheysiga Dib u xoreynta kula heshiiyay in ay saldhigyo ka dhigtaan Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, halkaasina lagu nabadgelin doono.

Ugu dambeyntiina, Xildhibaanno dhowr ah oo ka soo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa waxay horay ugu eedeeyeen Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde in uu ka dambeeyo fowdada iyo nabad la’aanta ka taagan Gobolka Hiiraan, iyagoo taasina ku sababeeyay in uu Gobolka Hiiraan u magacaabay maamul tiiyoo uu shaqeynayay maamul ay Dowladda horay ugu magacawday Gobolka Hiiraan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia