Sarkaal u shaqeynayay Hay’adda WHO oo lagu dhaawacay inta u dhaxeysa Degmooyinka Baydhabo iyo Diinsoor

Axad, July 27, 2008(HOL): Kooxo hubeysan ayaa inta u dhaxeysa Degmooyinka Baydhabo iyo Diinsoor ee Gobolka Bay waxay dhaawac culus ugu geysteen Sarkaal u shaqeynayay Hay’adda WHO, kaasi oo lagu magacaabo Ismaaciil Macallin Axmed.

Sarkaalkan oo Hay’adda WHO u qaabilsanaa Ololaha Tallaalka Cudurka Dabeysha ayaa kooxaha dhaawacay waxay ka qabsadeen inta u dhaxeysa Degmooyinkaas, kadibna waxay meelo kala duwan oo jirkiisa ka mid ah kaga dhufteen 7 xabadood.

Ismaaciil Macallin Axmed oo ay kooxaha rasaaseeyay uga tageen meyd ahaan ayaa waxaa dhaawaciisa ula cararay Isbitaalka Degmada Diinsoor Dad la socday Gaari marayay halka lagu dhaawacay, waxaana lagu soo waramayaa in haatan dhaawaca Sarkaalkaas oo ah mid culus ay daweynayaan Dhaqaatiir ka howlgasha Isbitaalka Diinsoor oo ay gacanta ku heyso Hay’adda MSF.

Lama oga ilaa iyo haatan sababta loo dhaawacay Sarkaalkan u shaqeynayay WHO iyo weliba heybta Kooxaha dhaawacay, waxaase kaliya la ogyahay in ay kooxahaas hubeysnaayeen, ayna la tageen gaari uu ku socday dhibanaha.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku sii kordhaya dilalka iyo af-duubka loo geysanayo Shaqaalaha Hay’adaha Samafalka, waxaana Deegaanno ka tirsan Gobollada Banaadir, Shabeelaha Hoose, Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Bari ka dhacay dilal iyo af-duub loo geystay shaqaale samafal oo Dalka Soomaaliya u yimid in ay gargaaraan Dadka Soomaaliyeed ee tabaaleysan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia