Dilal salka ku haya Aano Qabiil oo ka dhacay Deegaanno ka tirasn Gobolka Shabeelaha Dhexe

Axad, July 27, 2008(HOL): Deegaano hoos-taga Degamada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa maalmihii aynu ka soo gudubay waxaa ka dhacayay dilal loo geysay dad rayid ah, kuwaasi oo loo bartilmaameedsaday heybta ay ka soo jeedaan.

Labadii maalmood ee aynu ka soo gudubnay kaliya ayaa deegaannadaas waxaa lagu dilay dad gaaraya 8 ruux, kuwaasi oo u badnaa dad xoolo-dhaqato ah oo la dilay iyagoo xoolahooda xanaaneysanaya.

Colaadda ka aloosay Deeggaannada ka tirsan Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxay salka ku heysaa aano qabiil oo markeedii hore ka bilaabatay Beel wada degta Degmada Aadan Yabaal oo qaarkeed ay taageersaneyd Maxkamadaha Islaamka, halka qeybta kalena ay ka soo horjeeday.

Iska hor-imaad gudaha Degmada Aadan Yabaal ku dhexmaray labada Qeybood ee beesha Aadan Yabaal degta ayaa waxay keentay in dhaawac soo gaaray uu u geeriyoodo Guddoomiyihii Degmadaas u qaabilsanaa Maxkamadaha Islaamka, sidoo kalena ay dhintaan labo nin oo Guddoomiyaha la joogay.

Intaas kadib ayaa waxaa dhacday in maleeshiyo isla beeshaas ka soo jeedda oo taageersan Maxkamadaha Islaamka ay iyana weeraraan Kooxihii dilka geystay, sidaasna ay ku dilaan qaar ka mid maleeshiyadii ka dambeysay dilka Guddoomiyihii Maxkamadaha Islaamka u qaabilsanaa Degmada Aadan Yabaal.

Marka ay arini halkaas taagan tahay ayay kooxdii Maleeshiyada ahayd ee Degmada Aadan Yabaal laga saaray waxay Jimcihii aynu ka soo gudubnay dileen dad badan oo ku sii jeeday Deegaanka Ceel Baraf ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, kuwaasi oo la sheegay in ay ka soo jeedaan Gobolka Hiiraan.

Haatan sheekada waxay taagan tahay in Beesha ka soo jeeda Gobolka Hiiraan ee Dadka laga dilay ay ugaarsaneyso dad ka soo jeeda Beesha wax ka dishay, halka Beesha ka soo jeeda Degmada Aadan Yabaal ay iyaduna dhexdeeda is-raadsaneyso.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia