7/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 6 , 2024
Koomiishanka Doorashooyinka Somaliland oo balanqaad u sameeyay daneeyayaasha doorashooyinka
 

Sabti, Luulyo, 6, 2024 (HOL) - Koomiishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa daneeyayaasha doorashooyinka ururada iyo madaxtooyada u balanqaaday in doorashooyinku ay ku qabsoomidoonaan wakhtiga loo asteeyay.

Guuddomiye Muuse Xasan Yuusuf, ayaa sheegay in doorashooyinku ay ku qabsoomidoonaan wakhtigii loo asteeyay, oo ah dhamaadka sannadkan.

"Koomiishanka Doorashooyinka Qaranku waxa uu u xaqiijinaya bulshada Somaliland iyo daneeyayaasha, in doorashooyinka madaxtooyada iyo xisbiyada qaranku ay ku qabsoomidoonaan wakhtigii loo qorsheeyay ee 13 November" ayuu yidhi Guddoomiye Yuusuf.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in ay gacanta ku hayaan 5 milyan oo dollar oo lacagtii doorashada ah, inta hadhayna ay xukuumada isla meel dhigeen sidii loo bixin lahaa, isaga oo sheegay in dhamaan shaqooyinku ay sifiican ugu socdaan.

Waxa uu xusay in koomiishanku ay sameeyeen jadwal hawleed, isla markaana doorashada lagu gali doono nidaamka sawirka bu'da isha si loo gaadho daahfurnaan, waxa uu inta ku daray in ay balanqaadayaan in nidaamkaasi aanu doorashada saacad dib u dhigidoonin.

Ugu danbayn, waxa uu digniin u diray cidkasta oo faafisa warar aan rasmi ahayn oo kusaabsan hawlaha koomiishanka, isaga oo sheegay in wararka rasmiga ah lagala socon karo kali ah boggooda.