7/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 6 , 2024
Madaxweyne Xasan Sheikh oo maanta jawaab ka bixiyay hadalkii raysal wasaaraha Ethiopia
 

Sabti, Luulyo, 6, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud ayaa jawaab ka bixiyay hadalkii dhawaan kasoo baxay raysal wasaaraha dalka Ethiopia, Abiy Ahmed, kaasoo sheegay in aan loo baahnayn in ay Soomaaliya safarro badan u gasho si loo xalliyo khilaafka arrimaha badda ee kala dhaxeeya.

Madaxweyne Xasan Sheikh oo maanta ka hadlayay kalfadhigga 5-aad ee Golaha Shacabka, ayaa sheegay in Ethiopia ay tahay tan adduunyada ku wareegaysay ee codsanaysay in Soomaaliya lala heshiisiiyo, oo lagu qanciyo inay kawada hadlaan heshiiska muranka badan dhaliyay ee Ethiopia ay la gashay maamulka Somaliland.

“Dowladda Itoobiya ayadaa caalamka wareegeysa ayadoo ka carareysa qaladkii ay gashay ee diblomaasiyadeed iyo midkii xeerarka caalamiga ahaa, ee dunidda ilbaxa ah ay ku dhaqanto, shalay ayada jabisay deris wanaaggii iyo ku dhaqanka qaanuunka caalamiga ah, maanta ayada wali diiddan inaan u noqono waddadaas saxda ah. Itoobiya iyada wareegeysa oo leh hanala heshiisiiyo Soomaaliya, xaalka Itoobiya maanta waa hasha ayada cuneysa oo cabaadeysa,’ ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheikh.

Madaxweyne Xasan Sheikh waxa uu sheegay tallaabooyinka ay qaadayso Dowladda Ethiopia in aysan ahayn kuwo ku dhamaanaya waddo nabadeed. Madaxweynuhu waxa uu sheegay Ethiopia inay jebisay kalsoonidii iyo ku dhaqankii qaanuunka caalamiga ah.

Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa la rajeynayaa inay wajiga labaad ee wadahadalada ku yeeshaan magaalada Ankara ee caasimadda Turkiga marka labada bisha August ee sannadkan. Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa ugu baaqay Ethiopia in aysan wada hadaladaas ka baaqan si lamid ah midkii Kenya ee IGAD.