7/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 6 , 2024
Ciidamada dowladda oo la wareegay deegaano hoostaga degmada Xudur
 

Sabti, Luulyo, 6, 2024 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 9-aad ayaa howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab kula wareegay tuulooyin hoostaga degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Deegaanada ay ciidanku howlgalada kula wareegeen ayaa ku yaala dhanka Galbeed ee magaalada, kuwaas oo mudooyinkii dambe ay ku sugnayeen kooxda Al-shabaab.

Saraakiisha hoggaamineysay ciidanka ayaa warbaahinta qaranka u sheegay iney kooxda Al-shabaab ay kala wareegeen deegaanada Eedanow iyo Ceelahaley oo ka mid ahaa deegaanada kooxdu kasoo abaabuli jirtay weerarada ay ka geystaan degmada Xudur.

Howlgalkaan ciidamadu ka fuliyeen nawaaxiga degmada Xudur ayaa kusoo beegmaya, iyadoo saacadihii la soo dhaafay warar soo baxayay ay sheegayeen in degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ay ku dhoweyd iney la wareegaan kooxda Al-Shabaab.