7/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 6 , 2024
Madaxweynaha Jubbaland oo digniin adag kasoo saaray dagaal beeleedka degmada Luuq
 

Sabti, Luulyo, 6, 2024 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay beelo walaalo ah oo ku dagaalamaya Shalay iyo Maanta degmada Luuq ee gobolka Gedo iney si deg deg ah u joojiyaan dagaalka.

Warsaxafadeed kasoo baxay Xafiiska madaxweynaha Jubbaland ayaa lagu sheegay in dagaalka u dhaxeeya labada beelood inuu sababi karo saameyn hor leh oo la xariirta dhanka nolosha ah.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa faray madaxda maamulka gobolka Gedo, kuwa degmada Luuq odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada degmadaas iney u istaagan sidii xal rasmi ah looga gaari laha dagaal beeleedka.

“Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in khasaaraha ka dhashay dagaalkan ee naf iyo maalba leh ay taabanayso dhamaan dhinacyada loona baahan yahay in sida ugu dhakhsiyaha badan loo joojiyo dagaalka” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxtooyadda Jubbaland.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa uga digay askarta iney ku milmaan dagaal beeleedka, wuxuuna ku hanjabay in talaabo adag laga qaadi doono askari ka mid noqda dagaal beeleedka ka socda degmada Luuq.

Inta la xaqiijiyay dagaal beeleedkaan Shalay iyo Maanta ka dhacay gudaha degmada Luuqa waxaa ku dhintay dad gaaraya 6 ruux oo mid ka mid ah ay tahay qof haweeney ah, waxaana dagaalka uu ahaa mid labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.