7/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 6 , 2024
Ciidanka Daraawiishta Jubbaland oo qabtay xubno katirsan koooxda Alshabaab
 

Sabti, Luulyo, 6, 2024 (HOL) - Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka sameeyeen degaano hoos yimaada Buulo Xaaji oo Kismaayo 90km u jirta, waxay kusoo qabteen xubno katirsan Alshabaab.

Col. Cabdikaafi Dayib, Talyaha Guutada Birjeex ee ciidamada Daraawiishta Jubbaland oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in raggani la qabtay iyagoo ku safrayay saddex mooto.

Taliyaha wuxuu sheegay inay ku raad joogaan xubno katirsan Alshabaab, kuwaas oo ay xogtooda hayaan.

Dhanka kale, Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan 4 kamid ah kooxda Alshabaab, kuwaas oo soo goostay, kaddib markii sida uu maamulku sheegay, ay u adkaysan waayeen nolasha adag ee ay wajahaan dagaalamayaasha Alshabaab.

Waxay sheegeen inay ku yimaadeen xiriir ay la soo sameeyay saraakiisha ciidanka Jubbaland, si ay u noqdaan kuwo ka tanaasulay fikirka Shabaabnimo.

Dhawaan, Alshabaab ayaa sheegay inay dhankooda usoo goosteen 11 kamid ah ciidamada jubbaland ee qabtay tuulada Buula Xaaji. Waxay sheegeen  inay lasoo goosteen hubkoodii iyo dareeskoodii ciidanka.