7/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 6 , 2024
Madaxweyne Xasan Sheekh "Waxaa inaga go'an in dalka uusan dib ugu laaban doorashooyinkii dadbanaa"
 

Sabti, Luulyo, 6, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta si rasmi ah u furay Kalfadhiga 5-aad ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa jeediiyay khudbad muhiim ah oo dhinacyo badan taabaneysay, sida arrimaha doorashada, Dastuurka, dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo dagaal beeleedyada dalka kusoo laablaabtay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlaayay dhanka doorashada dalka ee sanadka 2026-ka ayaa sheegay in doorasho qof iyo cod ah la qabanayo, islamarkaana dadka Soomaaliyeed codkooda ku dooran doonaan hoggaan anfacaya.

“Maanta waxaa nalaga sugaa inaan daka u jiheyno doorasho toos ah oo qof iyo cod ah oo guud ahaan shacabka qaybihiisa kala duwan siisa fursad ay ku codeeyaan iyaga oo xor ah, waana siineynaa shacabkeenna fursaddaas, insha allah. Waxaan kusii siqeynaa in muwaadinka Soomaaliyeed uu helo fursad uu wax kuu dooran karo, laguna dooran karo, waxaan filayaa in doorashooyinkii dadbanaa aanay ahayn kuwa loo xiiso qabo” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wuxu tilmaamay madaxweynaha in dowladiisa ay ka go’an tahay in dalka uusan dib ugu laaban doonin doorashooyinkii dadbana, islamarkaana la joogo waqtigii dadka Soomaaliyeed ay fursad u heli lahayeen iney codkooda wax ku doortaan waxna ku diidaan.

Wuxuu sidoo kale madaxweynaha ka hadlay arinta dastuurka oo uu ku amaanay Baarlamaanka Soomaaliya iney talaabado u qaadeen dhameystirkiisa mudo 12 sano kadib, isagoona xusay iney sii wadi doonaan doodaha ku saabsan dastuurka si loo dhameystiro qodobada kale ee weli harsan.

“Waxaa kale oo iyadana ahmiyad wayn ah leh sii wadida cutubyada ka dhiman dastuurka, si uu dalka uga baxo hubanti la’aanta dastuuriga ah ee mudada dheer soo taagneyd" ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxyaabaha kale ee madaxweynuhu ka hadlay waxaa ka mid ahaa guulaha ciidanka dowladda iyo kuwa Macawiisleeyda ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo uu ku bogaadiyay ciidanka qaranka iyo kuwa deegaanka.

Gabagabadii madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku baaqay in beelaha Soomaaliyeed ka gudbaan dagaal beeleedyada kusoo laablaabtay oo uu tilmaamay iney ka dambeeyaan hurintooda cadaw uu sheegay ineysan dooneyn in dalka uu hagaago.