7/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 6 , 2024
Madaxweynaha Soomaaliya oo hambalyo u diray raysal wasaaraha cusub ee UK
 

Sabti, Luulyo, 6, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa Hambalyo u diray Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Ingiriiska Keir Starmer oo ku guulaystay doorashada UK.

Hadal uu madaxweynuhu kusoo qoray bartiisa X ayuu ku yiri sidatan, “Waxaan rajeynayaa inaan si wadajir ah uga wada shaqeyno si aan u xoojino iskaashiga istaraatiijiyadeed ee soo jireenka ah iyo danaha la wadaago.

Xisbiga Shaqaalaha ee UK, ayaa ku guulaystay doorashadii guud ee dalkaasi ka dhacday maalintii khamiistii ee doraad, taas oo xisbiga shaqaalaha uu ka helay codadka ugu badan ee barlamaanka aqalka hoose oo ka kooban 650 kursi.

Sir Keir Starmer ayaa noqonaya ra'iisul wasaaraha cusub ee UK, ka dib markii uu xisbiga shaqaalaha ku hoggaamiyay guul weyn.

Wuxuu beddeley siyaasigii garabka bidix Jeremy Corbyn oo ahaa hoggaamiyaha xisbiga shaqaalaha afar sano ka hor, wuxuuna ka shaqeeyay inuu xisbiga ku soo celiyo garabka dhexe, si uu uga dhigo mid la dooran karo.

Xisbiga shaqaalaha waxa uu xukunka ka maqnaa 14 sano, hadda waxaa uu helay 370 kursi taas oo ka dhigaysa inuu helay aqlabiyada baarlamaanka.