7/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 6 , 2024
Hoggaamiyaha SSC Khaatumo oo safar ugu baxay dalka Jabuuti
 

Sabti, Luulyo, 6, 2024 (HOL) - Hoggaamiyaha Maamulka ku meel gaar ka ah SSC Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa safar shaqo ugu anbabaxay dalka Djibouti kadib markii uu casuumaad ka helay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Qoraal kasoo baxay SSC Khaatumo ayaa lagu yidhi "Safarka Hoggaamiyaha ayay muhiimadiisu tahay xoojinta walaalnimada, nabadda,  xasilloonida gobolka iyo taageerada dhismaha Dowlad-dhiska Soomaaliya".

Safarkan Hoggaamiyaha waxaa ku wehelinayey qaar kamid ah Xubnaha Golaha Wasiirrada SSC Khaatumo gaar ahaan Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dibu heshiisiinta, Wasiirka Biyaha iyo Korontada, iyo la taliyayaasha sare ee Hoggaamiyaha.

SSC Khaatumo ayaa hore dowlada Jabuuti ugu eedayn jirtay in ay qayb ka ahayd dagaalkii Laascaanood, lakiin Wasiirka Maaliyada Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaale, ayaa sheegay in Jabuuti anay wax lug ah ku lahayn dagaalka.