7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 21, 2024
Joe Biden oo ka haray doorashada madaxtinimada dalka Maraykanka ee 2024

Axad, Luulyo, 21, 2024 (HOL) - Madaxweyne Joe Biden ayaa ku dhawaaqay in uusan mar labaad u tartami doonin kursiga madaxweynaha dalka Mareykanka. Isagoo taageerayay madaxweyne ku xigeenkiisa Kamala Harris inuu xilka ku wareejiyo.

"Waxay ahayd sharaftii ugu weyneyd ee nolosheyda inaan madaxweynenimo ugu adeego dalkayga. In kasta oo ay ahayd ujeeddadaydu in dib la ii doorto, haddana waxaan aaminsanahay inay dani ugu jirto xisbigayga iyo dalkaba inaan ka tanaasulo oo aan diiradda saaro oo keliya gudashada waajibaadkayga madaxweynenimo inta ka harsan muddada xilkayga."Ayuu yiri Joe Biden.

Biden waxa uu sheegay inuu si faahfaahsan qarankiisa ula hadli doono dabayaaqada todobaadkan. Wuxuu aad u amaanay Kamala Harris, wuxuuna ku booriyay Dimuqraadiyiinta inay u midoobaan gadaashiisa.

"Go'aankaygii ugu horreeyay ee musharaxa xisbiga ee 2020, wuxuu ahaa inaan Kamala Harris u doorto madaxweyne ku xigeenka. Waxa uu ahaa go’aankii ugu fiicnaa ee aan qaatay. Maanta waxaan rabaa inaan taageero buuxda u muujiyo in Kamala ay noqoto musharaxa xisbigayaga sanadkan." Ayuu yiri Joe Biden.

Biden ayaa soo afjaray toddobaadyo walaac laga qabay kartidiisa maskaxeed iyo shakiga awooddiisa inuu si wax ku ool ah ula tartamo madaxweynihii hore Donald Trump. Go’aanka Biden waxa kale oo ay u badan tahay in su’aalo laga keeno awoodda uu u leeyahay in uu guto waajibaadka madaxtinimo inta ka hartay muddadiisa.

Waa markii ugu horreysay oo madaxweyne Mareykan ah uu ka haro dib u doorashadiisa muddo tobanaan sano ah kaddib. Waxaa horey sidaas oo kale u sameeyay madaxweyne Lyndon Johnson oo go'aansaday inuusan mar  labaad tartamin  sanadkii 1968.

Da'da iyo su'aalaha ku saabsan awoodaha maskaxda ee madaxweynaha ayaa ahaa mas'uuliyadda siyaasadeed ee ugu weyn ee Biden tan iyo markii ugu horreysay ee uu la tartamo Trump 2020.