7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 21, 2024
Soomaalida sharci la'aanta ku jooga Maraykanka oo loo kordhiyay muddada ay dalkaas sii joogaan
 

Axad, Luulyo, 21, 2024 (HOL) - Maraykanka ayaa 18 bilood u kordhiyay Soomaalida sharci la’aanta ku jooga dalkaas, laga bilaabo Sebtember 18, 2024, ilaa 17-ka Maarso, 2026, sababo la xiriira xaaladaha ka jira Soomaaliya oo u diidaya in dadkan ay si nabad ah ku soo laabtaan.

Waaxda amniga gudaha ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay in ay qiimeeyeen iska horimaadyada hubaysan ee socda dalka, kuwaas oo ay sheegtay in aysan taageerayn in Soomaalida sharci la’aanta ah dalkooda dib loogu celiyo.

"Colaadaha hubaysan iyo nabad-gelyo-xumo baahsan ayaa waxyeello u geystay dad rayid ah oo ku nool Soomaaliya sannado badan, taasoo ay uga sii dartay maanta dhibaatooyinkii macluusha, cudurrada, iyo cimilada aadka u daran," ayuu yiri Xoghayaha Amniga Gudaha Alejandro N. Mayorkas.

Alejandro N. Mayorkas waxa uu sheegay  in Soomaalida horey u joogtay Mareykanka ay halkan degenaan karaan oo ay ka shaqeyn karaan inta xaaladahan sii xumaanaya ay sii socdaan.

Dad gaaraya ilaa 600 oo hadda haysta joogista ku meelgaarka ah ayey weli suuragal u tahay in ay sii haystaan joogitaan ilaa sanadka 2016-ka haddii ay ka soo baxaan shuruudaha looga baahan yahay.

Dadka haystay joogistan KMG ah waxaa laga doonayaa in ay dib isu-diwaangeliyaan. Sidoo kale, Soomaalida dalkaas galay wixii ka horreeyay bishii julay ee sanadkan, ayaa fursad u haysta inay dalbadaan sharcigaan kumeel gaarka ah.