7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 21, 2024
Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo Al-shabaab kala wareegay deegaan ka tirsan gobolka Baay
 

Axad, Luulyo, 21, 2024 (HOL) - Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa dadka deegaanka ayaa maanta kooxda Al-shabaab kala wareegay deegaanka Jameecada oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.

Deegaankaan ayaa qiyaas ahaan degmada Buurhakaba u jira ilaa 25KM, halkaas oo mudooyinkii dambe ay ku sugnayeen kooxda Al-shabaab.

Saraakiisha hoggaamineysay ciidanka xoogga dalka ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay iney burburiyeen koontaroolo iyo goobo kale oo ay Al-shabaab ku lahaayeen deegaanka Jameecada.

Waxaa sidoo kale saraakiishu ay sheegeen in ay sii wadayaan howlgalada ka dhanka ah Al-shabaabka ku sugan deegaanada gobolka Baay, waxaana xusid mudan in maalmahii lasoo dhaafay ciidamada iskaashanaya ee ku sugan deegaanada maamulka Koonfur Galbeed iney kordhiyeen howlgalada ka dhanka kooxda Al-shabaab.