7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 21, 2024
Turkiga oo Fiisaha u diiday Shaqaalaha Rayidka ah ee Soomaaliyeed ee wata Baasaboorka Adeegga
 

Axad, Luulyo, 21, 2024 (HOL) - Dowladda Turkiga ayaa shaaca ka qaaday in aysan sii deyn doonin Viisadaha dal-ku-galka shaqaalaha rayidka ah ee dowladda Soomaaliya ee heysta baasaboorka adeegga.

Go’aankan oo dhaqan galay laga soo bilaabo 18-kii bishan July ayaa waxaa shaaca ka qaaday Xamza Aadan Hadow oo ah Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, isagoo tixraacayay warqad ka soo baxday Safaaradda Turkiga ee Muqdisho.

Wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda Soomaaliya ayuu Xaadow ku wargaliyay muhiimadda ay leedahay in shaqaalahooda ay ku wargeliyaan is beddelkan cusub, iyagoo raacaya xeerarka dublamaasiyadeed.

Inkastoo Turkiga uu si weyn u caawiyo Soomaaliya, haddana helitaanka fiisooyinka ka Dalxiiska, Waxbarasho, iyo Fiisooyin Caafimaad oo ay ka bixiso Safaaradda Turkiga ayaa sannadihii u dambeeyay caqabad ku ahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Ma cadda sababaha loo diiday dal ku galka, balse ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in laga yaabo inay la xiriirto arrimaha socdaalka, maaddaama shaqsiyaad ka yimid qaar ka mid ah dalalka Afrika oo ay Soomaaliya ku jirto ay Turkiga u adeegsadaan marinka Yurub.