7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 21, 2024
Wasiir Cali Mareexaan: Waxa soo socda war wanaagsan oo cadawgu ka nixi doono
 

Axad, Luulyo, 21, 2024 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa shacabka ugu bishaaraysay in ay dhawaan maqli doonaan war ay ku farxaan, cadawguna uu ka nixi doono.

Warkan oo uu Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cali Maxamed Xasan 'Cali Mareexaan' uu ka sheegay kulan qado ah oo uu la yeeshay qaar kamid ah qurbajooga, ayay dad badani u fasirteen in uu uga jeedo in dhawaan la hirgalin doono heshiiska Somaliland iyo Itoobiya.

"War wanaagsan ayaa idiin soo socda todobbaadadan dhaw inshallah, waxa inagu soo socda wax umada reer Somaliland-na ku farxi doonto, cadawguna ka nixi doono, marka waxa aynu qaadi doonaa heestii 'Sanka taag adaa soo dhacsaday waanad sidataaye' " ayuu yidhi Wasiir Cali Mareexaan.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland D.R Ciise Kayd Maxamuud, ayaa maalmo ka hor u safray dalka Itoobiya iyada oo warbaahintu ay socdaalkiisa ku sheegtay in uu hordhac u yahay wafti saxeexi doona heshiiska Itoobiya iyo Somaliland, inkasta oo nay xukuumadu caddaynin.

Heshiiska Somaliland iyo Itoobiya ayaa khilaafsiyaasadeed gobolka ka abuuray, iyada oo xidhiidhka Itoobiya iyo Soomaaliya uu gaadhay meeshii ugu xumayd, isla markaana Somaliland iyo Jabuuti ayaanu xidhiidhkoodu fiicnayn hada, kadib markii ay Jabuuti heshiiska u aragtay khatar dhaqaale.

Soomaaliya ayaa bilihii lasoo dhaafay isku dayaysay in ay ka hortagto heshiiska iyada oo cadaadis dibulumaasiyadeed saartay Itoobiya, isla markaana wadahadalo ay dhinacyadu ku yeesheen Ankara, ayaan guul laga gaadhin.