7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 21, 2024
Askartii ku geeriyootay weerarkii Xabsiga Dhexe ee Xamar oo Taalo loo dhisay
 

Axad, Luulyo, 21, 2024 (HOL) - Waxaa maanta laga hirgaliyay gudaha Xabsiga dhexe ee Xamar Taalo loo dhisay askartii ku geeriyootay weerarkii dhawaan ka dhacay gudaha xabsiga dhexe ee Xamar.

Askarta taalada loo dhisay oo dhamaantood  geeriyootay ayaa ka kooban afar askari oo uu ugu horeeyay furahayahii Xabsiga Xasan Xuseen Raage iyo sadax kale oo ka mid ahaa ilaalada Xabsiga, kuwaas oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Cali Yuusuf, Cabdifataax Cabdullaahi iyo Cumar Milixsan.

Kulan ka dhacay gudaha Xabsiga dhexe ee Xamar oo ay isugu yimaadeen Sarakiisha ciidan Asluubta iyo Taliyaha ciidanka Asluubta Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa laga xusay askartii ka qeyb qaadatay soo afjarista weerarkii ka dhacay Xabsiga dhexe ee Xamar.

Taliye Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa saraakiisha iyo ciidanka Asluubta ku boorriyay ka qeyb qaadashadodii weerarkii Xabsiga dhexe, isagoona faray iney ka feejignaadaan weeraro noocaas oo kale ah iney markale dhacaan.

Ugu dambeyntii dhisidda Taaladaan ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo Taliyaha ciidanka Asluubta Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan uu horay u balan qaaday dalacsiin iyo taalo loo dhisi doono askarigii diiday inuu furaha ku wareejiyo maxaabiistii dooneysay iney Xabsiga ka baxsadaan.