7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 21, 2024
Dowladda Soomaaliya oo Turkiga dib ugu celisay raashin Bur ah oo dhacay oo dekedda lagu qabtay

Axad, Luulyo, 21, 2024 (HOL) - Shixnad Bur ah oo dhacday oo bishii Maarso 2024 uu Xafiiska Tayodhowrku ku qabtay Dekedda magaalada Muqdisho, ayaa dib loogu celiyay Turkiga, iyadoo la raacayo amar ka soo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka.

Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa go’aamiyay in Burka dib loogu celiyo Turkiga, islamarkaasna magdhow la waydiisto shirkadii u xilsaarnayd soo dejinta Burkan dhacay.

“Baaritaan dhab ah iyo caddeymo la horkeenay maxkamada iyo xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, waxaa la go’aamiyay in burka dib loogu celiyo halkii uu ka yimid,” ayaa lagu warsaxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka.

Burkaan oo ka koobnaa 7-koonteenar ayaa la xaqiijiyay in uusan galin suuqyada magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in ay gacanta ku hayeen ciidanka booliiska ee ka howlgalla dekadda magaalada Muqdisho.

Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa sidoo kale xusay in warbixinta baaritaanka, magaca shirkadda soo dhoofisay, Dukumeentiyada, iyo caddeymaha, in si diblumaasiyadeed loogu gudbin doono dowladda Turkiga iyada oo loo sii marsiinayo wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, iyo safaaradda Turkiga ee Muqdisho.

Sidoo kale, Hay’adda Tayo dhowrka ayaa digniin culus u dirtay shirkadaha iyo ganacsatada Soomaaliyeed, isagoo sheegay in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo dalka keenta raashiin dhacay.