7/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 21, 2024
Gaari ay wateen xubno ka tirsan Al-shabaab oo miino kula qaraxday Jubbada Hoose
 

Axad, Luulyo, 21, 2024 (HOL) - Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ay ku dhinteen qarax miino oo ka dhacay deegaanka Laagan oo u dhaxeeya deegaanada kala ah Guduudey iyo Buulo bacaad oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Xubnaha Al-shabaab ee qaraxa ku geeriyooday ayaa ka koobna shan xubnood oo saarna gaari noociisa lagu magacaabo Succeed, kaasoo uu qabsaday qarax miino oo ku aasna wadada, waxaana la tilmaamay in gaariga xubnahan ay wateen qudhiisa uu siday waxyaabaha qarxa.

Ilo ku sugan deegaanka uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegeen in dhamaan xubnihii saarnaa gaariga ee kooxda Al-shabaab iney ku geeriyoodeen qaraxa, islamarkaana oo gubtay gaariga ay wateen.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in xubno ka tirsan kooxda ay qaraxa kadib gaareen deegaankaas, kuwaas oo meesha ka qaaday meydadka shanta xubnood iyagoona sidoo kale jiitay haraagii ka haray gaariga qaraxa miino qabsaday ee waxyaabaha qarxana ku rarnaa.

Qaraxaan miino ayaa la tilmaamay in horay dhulka ugu aaseen xubno ka mid ah kooxda, wuxuuna kusoo beegmeya, iyadoo gobolka Jubbada Hoose ay ka socdaan howlgalo culus oo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ee ku sugan deegaanada maamulka Jubbaland.