7/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 13, 2024
Dagaal lagu dilay 10 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-shabaab oo ka dhacay gobolka Hiiraan
 

Sabti, Luulyo, 13, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo duhurnimadii maanta ku dhexmaray nawaaxiga deegaanka Beerayabaal ee gobolka Hiiraan ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka oo isku dhinac ah iyo kuwa kooxda Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada iskaashanaya ay weerar xoogan ku qaadeen goob ay ku dhuumaaleysanayeen xubno ka tirsan Al-shabaab, waxaana halkaas labada dhinac ku dhexmaray dagaal qaatay ku dhawaad hal saac.

War kooban oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dagaalka ka dhacay nawaaxiga deegaanka Beerayabaal in lagu dilay ugu yaraan 10 mid ah Ururka Al-shabaab.

Saraakiisha hoggaamineysay ciidanka huwanta ah ayaa warbaahinta qaranka u sheegay im xubnaha ka tirsan kooxda Shabaab ay kasoo gudbeen wabiga shabeelle, islamarkaana xogtooda ay kasii war hayeen, kadib markii ay lasoo wadaageen dadka deegaanka.

Dagaalka maanta ka dhacay agagaarka deegaanka Beerayabaal ayaa kusoo beegmaya, iyadoo maalmahii lasoo dhaafay ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka howlgalo ka dhan ah Al-shabaab ka wadeen deegaanada hoostaga degmada Buula burte, gaar ahaan kuwa dhaca jiinka wabiga shabeelle.