7/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 13, 2024
Prof: Axmed Ismaaciil Samatar oo sheegay in aanu ka qaybgalidoonin doorashooyinka Somaliland
 

Sabti, Luulyo, 13, 2024 (HOL) - Guddoomiyihii Urur Siyaasadeedka Hilaac Prof: Axmed Ismaaciil Samatar ayaa sheegay in aanu ka qaybgalidoonin doorashada ururada Somaliland, kadib markii ururada cusub laga reebay doorashada madaxtooyada.

Samatar oo waraysi gaar ah siiyay Horn Cable TV, waxa uu sheegay in ay sharciga baalmarsantahay isla markaana ay wada lahaanshihii Somaliland su'aal galinayso in ururada laga reebo doorashada madaxtooyada.

"Anigu shakhsiyan Axmed Ismaaciil Samatar hadaan ahay waxan goostay in anan ka qaybgalin doorashooyinka sida loo dhigay, anagu hadaanu nahay reer Hilaac isma amarno talo yaan soo jeediyay in aan doorashada laga qaybgalin oo aan wax xaaraan ah la xalaalayn" ayuu yidhi Samatar

Samatar waxa uu sheegay in nidaamkii doorashooyinka ee Somaliland ay reero mijoxaabiyeen, isla markaana ay saddex xisbi oo guun ah u xidheen doorashadii madaxtooyada taasi oo ka fog cadaalada, isla markaana aan la aqbali karin.

Waxa uu ku dooday in uu codsaday in kadib markii go'aanku soo baxay in ururka Hilaac loo sadburiyo oo kaligii lagu daro xisbiyada ka qaybgalaya doorashada madaxtooyada lakiin laga diiday, sida darteedna uu go'aansaday in uu doorashada ka hadho.

Dhinaca kale, hoggaanka sare ee ururka Hilaac ayaa ku dhawaaqay in ay xilkii ka qaadeen Guddoomiye Samatar, waxayna sheegeen in ay ka qaybgalayaan doorashada soo socota, waxay Samatar ku eedeeyeen in uu talo diid noqday oo uu kaligii qaatay go'aan ayna la qabin.