7/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 13, 2024
Ciidanka Asluubta oo soo afjaray weerarkii Xabsiga dhexe, soona bandhigay Meydadka ragii weerarka geystay
 

Sabti, Luulyo, 13, 2024 (HOL) - Ciidanka Asluubta Soomaaliya ayaa goordhaw soo gabagabeeyay weerar ka dhacay gudaha Xabsiga dhexe ee Xamar oo ay geysteen koox ka tirsan Al-shabaab oo ka mid aheyd maxaabiista ku xiran Xabsiga.

Weerarka ayaa yimid kadib markii xubnaha ka tirsan Al-shabaab ee ku xirnaa Xabsiga ay helen hub aan wali la shaacin sida ay ku heleen ragaan ka tirsan Shabaab oo ku xukuna qaarkood dil toogasho ah.

War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in weerarka lasoo afjaray, lana dilay 5 ka mid ah raga dagaalamay, islamarkaana nolosha lagu qabtay rag kale oo dhaawac ah.

"Taliska Ciidanka Asluubta ayaa goordhow faahfaahin dhameystiran ka soo saari doona sida ragaasi ay ku heleen hubka ay isku dayeen inay ku dagaalamaan" ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay dowladda.

Meydadka ragga ka tirsanaa Al-shabaab ee saaka ka dhex dagaalamay gudaha Xabsiga dhexe ee Xamar ayaa lagu soo bandhigay gudaha Xabsiga, waxaana wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in xabsiga dhaxe ee Xamar hada ka socdaan baaritaano ay wadaan ciidamada miino baarista iyo kuwa kale ee amaanka, kuwaas oo xabsiga ka dhax raadinaya qaraxyo iyo hub kale.