7/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 13, 2024
Baarlamaanka Finland oo meel mariyay sharci ka dhan ah muhaajriinta ka imaanaya Soomaaliya
 

Sabti, Luulyo, 13, 2024 (HOL) - Baarlamaanka Finland ayaa meel mariyay sharci siinaya ciidamada ilaalada xuduudaha inay xannibaan muhaajiriinta sharci darrada ah ee ka imaanaya Soomaaliya iyo Iran, kuwaas oo si wadar ah uga soo gudbaya xadka Ruushka sannadkii saddexaad oo xiriir ah.

Xeerkan ayaa waxaa ogolaaday 167 mudane, waxaa diiday 31 mudane, halka mudane uu ka aamusay.

Sharcigan ayaa u baahday aqlabiyad saddex meelood labo meel oo kamid ah 200 oo kursi ee uu ka kooban yahay baarlamaanka dalkaas.

Xukuumadda Ra'iisul Wasaare Petteri Orpo ayaa sheegtay in sharcigan uu muhiim u yahay joojinta qulqulka mustaqbalka muhaajiriinta sharci darrada ah ee ka imaanaya dalalka faqiirka ah iyagoo soo maraya Ruushka, inkastoo sharcigan uu ka hor imaanayo waajibaadka caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha ee Finland.

"Tani waxay calaamad xooggan u tahay Ruushka, waxay calaamad xooggan u tahay xulafadayada in Finland ay danaynayso ammaankeeda, waxaan danaynaynaa ammaanka xuduudaha Midowga Yurub," Orpo ayaa ku yiri shir jaraa'id oo uu qabtay codeynta ka dib.

Sharciga la ansixiyay waa ku meel gaar wuxuuna socon doonaa muddo sanad ah. Go’aan wada jir ah oo ay gaaraan xukuumadda iyo madaxweynaha ayaa looga baahan yahay in sharcigan lagu meel mariyo.

Sharciga ayaa u ogolaanaya ciidamada ilaalada xuduudaha ee Finland inay dib u celiyaan muhaajiriinta sharci darrada ku jooga xudduudaha.

Tan iyo bishii Maarso, ma jiraan soo galooti cusub oo sharci-darro ah oo dalka yimid - Finland waxay xirtay xudduudaha dhulka ee ay la leedahay Ruushka dhammaadkii sannadkii hore.

Finland ayaa sidoo kale ku eedeysay Ruushka in tahriibka uu ka dhigay hub isagoo ku dhiirigeliyay daraasiin muhaajiriin ah oo ka yimid dalal ay ka mid yihiin Suuriya, Iran iyo Soomaaliya inay ka gudbaan xadka.

Ruushka, dabcan, wuu diiday eedeymahaas, laakiin wuxuu sii wadaa inuu kumanaan muhaajiriin sharci darro ah ku geeyo xudduudaha uu la leeyahay Yurub, sida ay sheegtay Finland.