7/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 13, 2024
Rasaas xoogan oo laga dhex maqlayo gudaha Xabsiga Dhexe ee Xamar

Sabti, Luulyo, 13, 2024 (HOL) - Wararka haatan kusoo dhacaya warqabadka HOL ayaa sheegaya in rasaas xoogan ay ka dhex socoto gudaha Xabsiga dhexe ee Xamar, taasoo aanan wali si rasmi ah loo ogeyn cida ay u dhaxeyso.

Wararka hordhaca ah ee soo baxaya ayaa sheegaya in is rasaaseynta ay u dhaxayso ciidamada ilaalada Xabsiga Xamar iyo maxaabiista halkaas ku xiran oo gacanta ku dhigay hub.

Waxaa sidoo kale wararku intaasi ku darayaan in rasaasta socota ay ka horeysay jug qarax ah oo laga maqlay gudaha Xabsiga, islamarkaana ay xigtay rasaas is dhaafsi ah oo hada socota, waxaana loo maleynaya in rag hubeysan gudaha u galeen Xabsiga.

Wali lama oga khasaaraha ka dhashay rasaasta laga dhex maqlayo gudaha Xabsiga dhexe ee Xamar, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka dowladda Soomaaliya.

Lasoco wixii kusoo kordha warkaan.