7/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 13, 2024
Taliska Ciidanka Asluubta oo faahfaahin ka bixiyay weerarkii Maanta ka dhacay Xabsiga dhexe ee Xamar
 

Sabti, Luulyo, 13, 2024 (HOL) - Afhayeenka ciidanka Asluubta Soomaaliya Cabdiqani Maxamed Qalaf ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay weerar khasaare geystay oo maanta ka dhacay gudaha Xabsiga dhexe ee Xamar.

Afhayeenka ayaa sheegay in weerarka si rasmi ah loo soo afjaray laguna dilay 5 maxbuus oo ka mid ah ragii dagaalamay, islamarkaana sidoo kale weerarka ay ku dhaawacmeen 18 maxbuus oo kale.

Wuxuu sidoo kale sheegay in ciidanka ilaalada Xabsiga ay weerarka kaga dhinteen sadex askari, ayna kaga dhaawacmeen saddex kale.

“Waxaa maxaabiista ka dhintay 5 maxbuus waxaa ka dhaawacmay 18, askarta waxaa ka dhintay saddex, waxaa ka dhaawacmay saddex kale intas ayuu howlgalka kusoo gabagaboobay" ayuu yiri afhayeenka ciidanka Asluubta Cabdiqani Maxamed Qalaf.

Afhayeenka ciidanka Asluubta Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay iney socdaan baaritaano lagu sameynayo sida maxaabiista dagaalantay ay ku heleen hubka.

"Wixii baaris ah iyo sababihii ay waxaan u dhaceen waxyaalahaas taliyaha ayaa baaris u diri doono, jawaabteedana waad heli doontaan” ayuu yiri Afhayeenka ciidanka Asluubta Cabdiqani Maxamed Qalaf

Ugu dambeyntii weerarkaan oo kale ayaa sanadkii 2020-kii ka dhacay gudaha Xabsiga, kadib markii maxaabiis ku jirtay xabsiga oo hub loogu soo dhex qariyay raashin ay ka dhex dagaalameen gudaha Xabsiga dhexe ee Xamar.